Siyaabaha Ninka Lagu Nacsiiyo Lamaanihiisi Hore, Loogana Dhigo Mid Adiga Ku Jeclaada

Dumar badan ayaa is arka iyagoo la haasaawaya rag aanan si buuxda uga dhammaan lamaanayaashoodii hore.

Arrintaan ayaa waxay haweenka ku noqotaa mid xanuun badan oo ay adagtahay inay ka gudbaan balse waxaa jiraan siyaabo looga gudbo.

Haddii aadan diyaar u ahayn inaad ninka iska sii deyso oo ay ugu wacantahay jacaylka aad u qabto kadib waxaa jiraan waxyaabo fudud oo aad sameyn karto si aad uga dhigto isaga mid jacayl kuu qaada.

Hoos ka akhriso 3 siyaabood oo ninka looga gudbiyo qoftiisi hore loogana keensado inuu ku jeclaado adiga.

  1. Ha qasbin

Markay timaado inaad ninkaaga ka dhigeyso mid ilooba qoftiisi hore, hal sheey oo meel lagu qorto ama ay tahay inaadan hilmaamin ayaa ah inaadan aad ugu riixin arrintaas.

Haku qasbin inuu adiga kuusoo jeesto ama kuusoo go’o adigoo ku fekeraya in arrintaan ay ka dhigeyso inuu hilmaamo qoftiisi hore.

Waxaa lagaa rabaa inaad siiso firaaqo iyo waqti uu uga gudbo furriinka ama kala tagga ay kala tageen qoftiisi hore kadib waxaa dhici doonta inuu kuusoo go’o oo uu adiga kuusoo jeesto.

  1. Ha isla meel dhigin qoftiisi hore

Dumarka qalad ayay sameeyaan mar kasta oo ay isla meel dhigaan lamaanayaashi hore ee raggooda.

Si aad uga dhigto ninkaaga mid ka gudba ama hilmaama qoftiisi hore isla markaana adiga kaliya kaa fekera waxaad u baahantahay inaad adiga ahaato qofka aad tahay micnaha jooji inaad isla barbardhigto qoftiisi hore ama aad isku daydo inaad iyada oo kale noqoto.

  1. Hasoo hadal qaadin qoftiisi hore

Hal qaab oo haweeneydu ay ku ogaan karto in lamaanaheeda uusan wali ka dhammaan qoftiisi hore ayaa ah inay u fiirsato qaabka uu uga hadlo iyada mar kasta oo mowduucaas yimaado.

Sababtaas darteed, waxaa mar waliba haweeneyda u wanaagsan inaysan marnaba ka hadlin ama soo aysan soo hadal qaadin wax ku saabsan gacalisadi hore ee ninkeeda.

Iska ilaali inaad ninkaaga kala hadasho wax ku saabsan haweeneydiisi hore. Haddii isagu u baahdo inuu ka hadlo wax ku saabsan qoftiisi hore fadlan dhageyso laakiin waa inaadan adiga noqon qofka mowduucaas meesha keenay.

Si, kastaba, marka ay taas dhacdo ninkaagu wuxuu billaabi doonaa inuu iloobo qoftiisi hore.

Related Articles

Back to top button