XIRIIRKA IYO GUURKA

Haddii Aad Saddexdaan Qalad Sameyso, Caburin Ayaad Ku Heysaa Lamaanahaaga

Guurarka badankood, waxaa dhacda in lamaanayaasha uu midba kan kale caburiyo iyagoo aanan ogeyn

Qaar kamid ah waxyaabaha sababa in lamaanayaasha ay iscaburiyaan ayaa ah iyagoo aaminsan in ragga oo dhan oo qiyaano sameeyaan markii fursad la siiyo.

Haweenka ayaa ah kuwa aad ula socda raggooda maadaama ay sheegaan inaan la aamini Karin nimanka ama ay horeyba u dhacday in nin hore uu qiyaanay sidaa darteed waxay isku dayeysaa inaad aad ulaaliso ninka ay markaas heysato.

Waa kuwaan siyaabaha lagu garto inaad caburineyso lamaanahaaga;

  1. Waxaad necebtahay inaad kaligaa noqoto dhowr saacadood

Haasaawaha kama dhigna in lamaanahaaga ay kuu hurto dhammaan waqtigeeda/waqtigiisa si ay adiga kuula joogto isaga ama iyada.

Haddii ay dhacdo inaad dhib abuureyso markaad kaligaa noqoto ama aad cidlo noqoto dhowr saacadood kadib waxaad ogaataa inaad caburineyso lamaanahaaga.

  1. Waxaad dabagashaa barihiisa bulshada si aad u aragto haddii uu wax shukaansado

Inkastoo aad isguursateen oo aad tihiin lamaane hadana waa inaadan sharciga oo aadan xad gudub sameyn.

Baaritaanka sheekooyinka lamaanahaaga iyo dadka kale ku dhex maray baraha bulshada waxay dareensiineysaa caburin.

  1. Waadka shakisaa lamaanahaaga waqti kasta oo uu kuu sheego inuu saaxiibadiis waqti la qaadanayo

Haddii aad dhacdo inaad aad u shakiso mar kasta oo lamaanahaagu kuu sheego inuu la joogo saaxiibadiis kadib ogoow inaad caburineyso isaga.

Inaad aad uga shakiso lamaanahaaga ama aad ka hor istaagto inuu raaco ama waqti la qaato asxaabtiisa ma ahan ficil wanaagsan.

Related Articles

Back to top button