XIRIIRKA IYO GUURKA

3 Qalad Oo La Iska Ilaaliyo Haddii Aad Rabtid Inaad Dib Usoo Ceshato Gacalisadaadi Hore

Marka arrimuhu u muuqdaan kuwo aanan ku socon wadadii loo baahnaa, waxa ugu wanaagsan ee lamaanuhu ay sameeyaan ayaa ah furriin.

Si,kastaba, haddii ay lamaanayaasha isfuraan taasi micnaheeda maahan inay waligood dib iskugu soo laaban doonin.

Waxaa jiraan marar ay dib isku soo laabtaan marka ay xaliyaan dhibaatooyinkii keenay inay kala tagaan.

Markaad isku dayeyso inaad soo ceshato qoftaadi hore, qofka waa inuu iska ilaaliyaa qaladaadka qaar.

Hoos ka aqri qaar kamid ah qaladaadka la iska ilaaliyo haddii aad rabto inaad deg deg kusoo ceshato gacalisadaadi hore.

  1. Ha dhihin ma noolaan karo iyada la’aanted

Haweenka way jecelyihiin ragga leh ujeedada. Inaad haweeney ku dhahdo ma noolaan karo la’aantaa si aad dib ugu soo ceshato way kasii fogaaneysaa kaliya.

Si,kastaba waligaa haku oran haweeney ma noolaan karo la’aantaa si aad dib ugu soo ceshato.

  1. Haka baryin fursad kale

Haddii aad rabtid inaad soo ceshato lamaanahaagi hore, wax walbo ha u dhacaan si caadi ah. Aad ugu dadaal inaad dib u hanato jacaylkeeda.

Haka baryin fursad kale maadaama ay taasi kaa dhigeyso qof liita isla markaana ay keeneyso in ay haweeneyda ku nacdo isla markaana aysan dib kuugu soo laaban.

  1. Ha beenin inaad xiriir la leedahay ama aad la socoto haween kale

Ragga qaar waxay isku dayaan inay been u sheegaan lamaanayaashoodii ee ay markaas la haasawayaan isla markaana ay doonayaan inay dib usoo celiyaan si aysan u hinaasin.

Si, kastaba, arrintaan ayaa ah tan ugu badan ee keenta dib ugurashada sababtoo ah gabadha ayaa laga yaabaa inay kuugu hambalyeyso guurkaaga cusub.

Related Articles

Back to top button