3 Waxyaabood Waa Inay Leedahay Haweeneyda Kahor Inteysan Guursan

Guurka waa howl adag wuxuuna u baahanyahay qorsheyn kahor intaadan guursan. Ka haween ahaan, waa inaad mar kasta hubisaa inaad la tacaali karto waxyaabaha muhiimka ah ee laga yaabo inay saameyn ku yeeshaan noloshaada kahor intaadan guursan.

Halkaan ka akhriso 3 waxyaabood oo ay tahay in haweeney kasta ay dhammeystirto kahor inteysan guursan.


  1. Dakhli wanaagsan

Haweenku waxay leeyihiin maskaxda in ninka uu bixiyo wax kasta oo uu guriga u baahdo. Maadaama tani aysan ahayn fikrad xun, hadana waa in haweeneyda ay yeelataa dakhli wanaagsan.

Yeelashada il dakhli ayaa kaa cawin karta waxbadan gaar ahaan marka arrimhu u socdaan dhanka aadan rabin.

  1. Waxbarasho

Ku qalabeynta naftaada waxbarasho wanaagsan waa muhiim. Waa inaysan haweeneydu noqon mid aanan  wax qori Karin.

Haweeney kasta waa inay ugu yaraan soo martaa iskuul kahor guurka. Waxbarashada waxay haweeneyda ka caawisaa waxbadan markay timaado ka qeyb qaadashada fikradaha guurkeeda.

Aqoon la’aanta waxaa ka dhalan kara in ninku yareysto ama uu yaso fikradaha ay siiso xaaskiisa.

  1. Waxgaradnimo

Waxgaradnimada ama garaadka kuma xirna da’da qofka. Haweeney ayaa noqon karta qof weyn da’ ahaan iyadoo hadana aanan lasoo bixi Karin astaamo waxgaradnimo.

Kahor guurka, haweeneyda waa inay wax kasta ku xakameyn kartaa waxagaradnimo iyo caqli. Waxgarashada waxbadan ayay ka caawisaa guurka gaar ahaan haweenka lafdhabarta u ah guurka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button