TALOOYIN CAAFIMAAD

3 Waxyaabood Oo Laga Fekero Markaad Safreyso Adigoo Uur Leh

Uurku waa shay wanaagsan laakiin wuxuu la yimid dhibaatooyin badan. Si aad u ilaaliso naftaada iyo canugga calooshaada ku koraya waxaa laga maarmaan ah inaad taxadarto markaad safarka ku jirto.

Waxaa la ammaanay inaad dakhtarkaaga weydiiso haddii ay ammaan tahay inaad safarto iyo haddii kale.

Haddii uu Dakhtarku kuu ogolaado inaad safarto, halkaan waxaad ka aqrisaneysaa 3 waxyaabood oo laga fekero markaad safreyso adigoo uur leh.

Cuntada

Waa inaad iska ilaalisaa cuntooyinka iyo cabitaanada kaarboonku ku badanyahay si aad u yareyso dhibaatooyinka la xiriira aashitada.

Waxaa sidoo kale wanaagsan inaad qadato biyo nadiif ah oo la karkariyay si aad u istcimaasho isla markaana aad iskaga ilaaliso iibsashada cuntooyin adigoo safraya.

Si kastaba, ka feker qaadashada cabitaanada dareeaha ah oo hubi inaad faarujiso kaadi heysta haddii aad gaari ku safreyso.

Warbixinta caafimaadka

Mid kamid ah waxyaabaha aasaasiga ah ee kaa caawin  doona inaad hesho daryeel caafimaad oo wanaagsan haddii ay timaado xaalad deg deg ah ayaa ah warbixinta caafimaadka.

Waa inay eegaan natiijooyinkii caafimaad iyo talooyinkii hore si ay kuu siiyaan adeegga ugu wanaagsan.

Suunka badqabka

Haddii aad waddo ku safreyso ama hawada, waxaad u baahantahay inaad hubiso inaad suunka badqabka u xirato si habboon.

Waa inaad suunka ku xirataa miskaha iyo caloosha. Qalabkaas wuu ku caawin karaa inta lagu guda jiro xaaldaha deg dega ah balse haddii aad u xirato si aanan wanaagsaneyn wuxuu dhaawici karaa canugaaga.

Related Articles

Back to top button