XIRIIRKA IYO GUURKA

UGAAR AH LAMAANAHA: Siyaabaha Loo Sameeyo Go’aano Adag Lamaane Ahaan

Lamaane ahaan waa muhiim inaad go’aanada waaweyn aad isla sameysaan. Waxaa jira go’aano badan oo nolosha ah oo u baahan labada dhinacba si ay uga fogaadaan inay wax khaladaad ah sameeyaan.

Marka ay timaado falanqaynta iyo sameynta go’aamada adag ee lammaanaha, halkan waxaaad ka aqrisan kartaa qaabab ku saabsan sida aad uga arrinsan kartaan.

  1. U fiirso faa’idada iyo qasaaraha uu leeyahay

Kahor intaadan gaarin go’aanka ugu dambeeya, mar kasta waxaa wanaagsan inaad ka fekertaan qasaarada iyo faa’idada uu leeyahay go’aanka aad sameyn rabtaan ka lamaane ahaan.

Markaas sidaas uga fiirsataan, waad cabiri kartaa dhanka culus waadna sameyn kartaan go’aankiina adinkoo eegaya dhanka adag.

  1. Ka feker saameynta uu yeelan karo muddo dheer

Inta badan go’aamada ugu waaweyn waxay ku lug leeyihiin wax muddo dheer ah. Sababtaas darteed, waa muhiim inaad ka fekertaan saameynta uu yeelan karo go’aanka aad sameyn rabtaan.

Haddii saameynta uu yeelan doono aysan ahayn mid wanaagsan, waxaa wanaagsan oo muhiim ah inaad dib u eegtaan go’aanka aad gaari rabtaan.

  1. Run ka sheeg dareenkaaga

Mar kasta daacad uga noqo lamaanahaaga go’aanka aad sameyn rabtaan labadiina. Haddii go’aanku uusan ku farxad galineyn, waxaa wanaagsan inaad sheegto intaad sugi lahayd intii aysan waqti dambe noqon.

HALKAAN KA AKHRISO WARBIXINO KU SAABSAN KULANKA SARIIRTA.

Related Articles

Back to top button