Daawo: Fanaanka Ali Kiiba oo soo saaray hees jacayl oo ilmo kaa keeneysa iyo jacaylkiisi hore oo uu farriin qiiro leh u diray - Aayaha

Daawo: Fanaanka Ali Kiiba oo soo saaray hees jacayl oo ilmo kaa keeneysa iyo jacaylkiisi hore oo uu farriin qiiro leh u diray

Fanaanka caanka ah ee u dhashay dalka Tanzania, Ali Kiba oo loo yaqaano King Kiba ayaa soo saaray hees jacayl oo cajiiba kadib markii uu shaashada ka maqnaa muddo dheer.

Heesta oo loogu magac daray ‘Mshumaa’ ayaa lasoo saaray habeenkii Jimcaha ahaay waxa ay u egtahay heestiisa jacaylka ugu fiican 2019.

Heesta wuxuu farriin jacayl ugu dirayaa gabadha jacaylkiisa ah oo ka tagaty.

“Ma qabo cudurka HIV ama dhiig kar, ma qabo wax xanuun ah laakiin magacaaga ayaan ku hayaa xusuustayda, joogitaankaaga noloshayda Iftiin buu u ahaa hadana mugdi ayaan ku jiraa, ayuu ku leeyahay qaar kamid ah qoraalka heesta oo aan idiin soo turjunnay.


Kasokoow heesta cusub, Ali Kiba ayaa ballan qaaday inuu xariga ka jari doono tiro mashruucyo ah oo qeyb ka ah safarkii uu ugu magic daray “safarkii lama ilaabaanka ahaa’  kaasoo magaciisa ku qori doono buugga taariikhda.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button