XIRIIRKA IYO GUURKA

Haddii aad Calaamadahan Ku Aragto Guurka, Ogoow Lamaanahaaga Kuma Siiyo Mudnaantii Aad Lahayd

Marka dadku xiriir leeyihiin, waxaa labada lamaane laga doonayaa inay noqdaan kuwo ku faraxsan guurka.

Tani waxay u baahantahay in lamaanaha uu midba kan kale u sameeyo wanaagga uu u sameeyo bedelkiisa si uu guurku noqdo mid ay ku faraxsanyihiin.

Si kastaba ha noqotee, waxaa jiraan waqtiyo uu qofku dareemi karo in jacaylkiisa uusan u sameynin wuxuu u baahnaa ama uu mudnaa.

Waa kuwaan tilmaamo muujinaya inaad lamaanahaaga ka mudantahay inuu waxbadan kuu qabto.

  1. Had iyo jeer waxaad dareentaa niyad jab

Waqti kasta waxaad dareentaa in lamaanahaaga uu hoos kuu dhigayo ama ku yasayo taasoo muujineysa in lamaanahaaga aad uga baahantahay waxbadan.

Xiriirada waxaa loogu talagalay in dadka ay dareemaan xasilooni iyo inay leeyihiin rabitaan ah inay arkaan lamaanayaashooda daqiiqad kasta.

  1. Waxaad si joogto ah u rajeysaa inuu wax wanaagsan kuu qabto ama kuu sameeyo

Haddii aad tahay qofka kaliya ee wax u sameeya ama u qabta qofka kale ee uu xiriirka la leeyahay, waxaa mar kasta la gaaraa waqti uu qofku daalo.

Hadaba, haddii bilaawdo inaad dareento in lamaanahaaga ay tahay inuu wax wanaagsan kuu sameeyo kadib ogoow inaad waxbadan uga baahantaqay lamaanahaaga.

  1. Waxaad si joogto ah u sugtaa inay wax isbedelaan

Xiriirka caafimaad qabka ama guurka wanaagsan waa kan labada lamaane ay waqti isi siiyaan si ay meesha uga saaraan daciifnimadooda isla markaana ay u noqdaan kuwo isku wanaagsan oo midba kan kale uu u fiicanyahay.

Si kastaba, haddii aad mar kasta sugto inuu isbedelo ama ay isbedesho isla mar ahaantaana aysan taas dhaceynin, kadib taasi waa astaan muujineysaa inaad waxbadan ka mudantahay lamaanahaaga.

Related Articles

Back to top button