Waxyaabaha Lagu Dhaho Xaaskaaga Si Aad U Tusto Inaad Jeceshahay - Aayaha

Waxyaabaha Lagu Dhaho Xaaskaaga Si Aad U Tusto Inaad Jeceshahay

Waa waajib ninka saaran inuu xaaskiisa dareensiiyo jacayl. Marka haweeneyda ay dareento jacayl aad ayay ugu raaxeysaneysa uguna faraxsanaaneysaa guurka.

Rag badan ayaa hilmaama muhiimadda ay guurka u leedahay inaad xaaskaaga dareensiiso jacayl iyo rabitaan, taasoo keenta in guurku burburo.

Kuwani waa qaar kamid ah waxyaabaha ugu wanaagsan ee lagu dhaho xaaskaaga aad jeceshahay oo dareensiin doona jacayl iyo rabitaan.

  1. “Ku faanid”

Ha ogaato sida aad ugu faraxsantahay uguna faaneyso kaalinteeda hooyonimo iyo inay tahay xaaskaaga. Arrintaan ma dareensiineyso inaad jeceshahay kaliya balse waxay sidoo kale sare u qaadeysaa kalsoonideeda.


Maadaama rag badan ay xaasaskooda ku dhahaan waxyaabo dhaawacaya, ninka ragga ah ee wanaagsan wuxuu ku dhahaa xaaskiisa ereyadaan quruxda badan ee aan kor kusoo xusnay.

  1. “Waanku jeclahay”

ma jiraan wax garaaca “Waanku jeclahay” oo uu ninka ku dhaho xaaskiisa. Markaad si gacaltooyo leh oo run ah aad ugu sheegto sida aad u jeceshahay, waxaad siisay farxad iyadoo dareemi doonta inay tahay haweeneyda ugu nasiibka badan dunida.

Badanaa haweenka kama maqlaan raggooda ereyadaan macaan iyagoo xittaa isqaba sanado badan.

  1. “Waxaa tahay khaas”

Markaad sidaan ku dhahdo xaaskaaga, waxaad siisay farriin ah inaad kumanaan jeer iyada uun aad haweenka ka dooran lahayd, sababtoo ah waa nooc ay dhif tahay in la helo.

Ku dhihidda xaaskaaga ammaan noocaan ah waxay sare u qaadeysaa guurkaaga.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button