Haddii Ay Gabadhu Leedahay Calaamadahan, Fadlan Guurso Intaanan Lagaaga Hormarin

Haddii aad qof la haasaaweyso adigoo guur maskaxda ku haayo, waxaa muhiim ah inaad ka eegto waxyaabaha ka dhigaya haweeneyda xaas wanaagsan.

Waxaad u baahantahay inaad ka eegto dabeecadaha qaar oo faa’ido u noqon doona xiriirkiina mudada dheer ah

Haweeney kasta kuuma noqoneyso xaas wanaagsan ama mid kugu habboon.

Waa kuwaan 3 calaamadood oo lagu garto in gabadha aad saaxiibka tihiin ay noqon doonto xaas wanaagsan.

  1. Way madax banaantahay

Haweeney madax banaan kuguma tiirsanaan doonto si aad u daryeesho ama aad u ilaaliso farxadeeda.

Haweeneyda madaxa banaan ayaa ah mid ku dooneysa halkii ay adiga kuu baahnaan lahayd. Ma ahan mid dhag dhag badan ama kaa dalbaneysaa waqtigaaga.

Haweeneyda madaxa banaan waa mid adag, isku kalsoon isla markaana aanan ka cabsaneyn inay kali noqoto.

  1. Waa qof karti leh oo wajihi karta xaaladaha adag

Raadso haweeney xasiloon marka ay jiraan xaalado cakiran—qof aanan ku jaareereyn arrin kasta oo yar.

Tan micnaheeda maahan inaysan waligeed murugooneyn balse waxay leedahay awood iyo caqli ay ku xakameyso dareenkeeda.

Waa inaad sidoo kale dareentaa inay iyadu tahay ilo fiican waqtiyada ay suurtagal tahay inaad walaacsantahay, waad isku halleyn kartaa kartideeda iyo caqligeeda.

  1. Waxay kugu taageertaa hammigaaga

Haweeney taageerta hammigaada shaqsiyeed iyo yoolalka shaqada waa garab iyo nooca haweeneyda uu nin kasta ku riyoodo.

Way ku dhinac istaagi doontaa iyadoo kugu dhiiri gelineysa dadaalkaaga. Kama cabsan doonto waqtiga iyo tamarta aad ku bixisay ka guul gaaridda hammigaaga sababtoo ah iyadana dhinaceeda ayay uga dadaaleysaa ka guul gaaridda hammigeeda.

Related Articles

Back to top button