3 Qaabood Oo Loo Caawiyo Xaaskaaga Markay Canug Dhasho, Loogana Dhigo Mid Waligaa Ku Jecel

Marka lamaanaha uu Allaah (SWT) ugu dambeyn siiyo canug, waxaa hubaal ah inay taasi tahay sheeyga ugu macaan ee ay helaan.

Kadib marka ay haweeneyda ugu dambeyn canuga dhasho, mar kasta waa muhiim in ninka uu kaalin mug leh ka qaato caawinteeda.

Way cadahay in tiro rag ah oo wanaagsan aysan garaneyn sida loo caawiyo haweenkooda markay xaaladdaas galaan laakiin wax kasta uu ninku sameeyo qiimo weyn ayay ugu fadhiyaan xaaska.

Halkaan kaga bogo hababka ugu wanaagsan ee lagu caawiyo xaaskaaga markey canug dhasho.

  1. Raadi habab aad ugu adeegto

Markay timaado u adeegidda xaaskaaga markay canug dhasho isla markaana ay umul tahay, ninka wuxuu u qaban karaa waxyaabo badan oo muhiim u ah xaaska balse rag badan aysan ogeyn.


Wuxuu ninka ku caawin karaa xaaskiisa Umusha ah inuu canugga ka bedelo xafaayadda ama uu xittaa kiciyo habeenkii saq dhex si uu u eego xaaladda canugga yar iyadoo xaaska ay hurdeyso.

  1. Dhiirigelin

Kadib marka haweeneyda ay canug dhasho wayku adkaataa inay aqbasho isbedelka ku dhacay jirkeeda.

Si kastaba, waa markaan xilliga ninka laga rabo inuu dhiiri geliyo xaaskiisa isagoo tusaya inuu jecelyahay muuqaalka cusub xaaskiisa isla markaana ku dhiiri gelinaya inay wali qurxantahay isla markaana uusan sina uga tagi doonin xaaskiisa ahna hooyada caruurtiisa.

  1. Sameey waqtiyo aad ku dareensiineyso inay caadi tahay

Marka haweeneyda ay canug dhasho waxay ku mashquushaa canugga iyadoo u ekaata sida kalkaaliye caafimaad oo kale.

Si walba oo ay xaaladdu noqoto, ninka wuxuu sameyn karaa inuu banaanka u waddo mudadiiba hal mar si uu u dareensiiyo inay caadi tahay isla markaana ay ugu soo raaxeysato waqtiga yar ee ay ilmaha ka maqantahay.

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan, Fadlan Aragtidaada Hoos Noogu Reeb, Mahadsanid.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button