Calaamadaha Digniinta Ah Ee Lagu Aqoonsado In Ninka Aad Shukaansaneyso Uu Xaas Leeyahay Balse Uu Kaa Qarinayo

Kahor intaadan ninka siinin qalbigaada iyo naftaada oo dhan, ka digtoonow calaamadahan digniinaha ah, sababtoo ah wuxuu noqon karaa nin xaas leh.

Marnaba kuguma marti qaaddo hoygiisa

Tani ma ahan inuusan guri lahayn. Sababta uusan kuugu casuumin hoygiisa ayaa ah inuu la noolyahay qof kale isla markaana uusan rabin inaad la kulanto xaaskiisa iyo caruurtiisa.

Mar kasta wuxuu kuula imaanayaa marmarsiiyo aanan dhammaad lahayn sida gurigeyga wuxuu u dhowyahay goobta shaqada, ragaan la daganahay iyo gurigeyga dayactiraa ku socdo iyo wixii lamid ah.


Hadaba, waxaad arkeysaa in mar kasta aad waqti kuwada qaadaneysaan goobtaada ama gurigaaga laga bilaabo January illaa December. Sidaa darteed tani waa calaamad digniin ah.

Kuma baro qoyskiisa iyo saaxibadiis

Haddii wiilka aad saaxiibada tihiin uusan ku dadaaleyn inuu ku baro dadka muhiimka u ah, laba arrin ayaa macquul ah inay ka dambeeyan taas.


Tan koowaad waxaa laga yaabaa inuusan kuu arkin qof mustaqbal guur raba ama inuu xaas leeyahay.

Muddo dheer ayaad is shukaansaneyseen balse xiriirka uma gudbo heer kale oo ah inuu ku baro qoyskiisa iyo saaxiibadiis.

Xittaa haddii aad adiga ka hadasho arrintaas, wuxuu mar kasta keenayaa marmarsiiyo ku saabsan sababta uusan kuu barin qoyskiisa iyo saaxiibada u dhow.

Marnaba kalama qeyb gashid xafladaha gaarka ah

Ha noqoto dhalasho, guur, casho iyo waxyaabo kale oo muhiim ah, ragga badankood way jecelyihiin inay wataan xaasaskooda quruxda badan si ay u baraan saaxiibadood.

Marka, haddii ay dhacdo inuusan muhiimad ku siin isla markaana uusan ku wadin waa inaad arrintaas ka walwashaa isla markaana aad iska ilaalisaa ninkaas.

Waxaa hubaal ah inuusan daacad kuu ahayn.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button