Waxyaabaha Qofna Uusan Kuu Sheegin Ee Ku Saabsan Qalliinka Dhalmada

Haweenka badankood waxay la kulmaan dareen kala duwan oo isugu jira farxad iyo walwal marka uu dhowyahay waqtigooda dhalmada.

Waa marxaladdaan marka waqtigooda ugu badan ay ku bixiyaan in haweenka kale iyo dhaqaatiirta ay wax ka weydiiyaan dhalmada.


Xittaa inkastoo haweenka badankood ay rajeeyaan canugga ay caadi u dhalaan hadana duruufo kala duwan ayaa Dhaqaatiirta ku qasba inay kula taliyaan qeybta qalliinka si looga hortago inay geeriyoodaan Hooyada iyo canugga ama midkood.

Waa kuwaan waxyaabaha qofna uusan kuu sheegin eek u saabsan Qalliinka Dhalmada;

  1. Lugaha way dareen beelaan dhowr saacadood kadib qalliinka

Haweenka maraya qalliinka dhalmada waxaa lugohooda lagu xiraa qalab wax cadaadinaya si loo yareeyo xanuunka ay dareemayaan inta lagu guda jiro howsha qalliinka.

Tani waxay lugohooda ka dhigtaa kuwo aanan dareen lahayn ama kabaabyo ah illaa qalabkaas laga furo.

  1. Qufaca iyo Hindhisada way dhaawacayaan

Marka haweeneyda ay qalliin marto, waxay maalmo dareemeysaa xanuun marka ay qufacdo ama ay hindhisto.

Si tan loo fududeeyo, barkin ku qabo caloosha kokeeda gaar ahaan meesha la qalay. Tani waxay kaa caawineysaa kahortagista xanuunka la socdo qufaca, Qosolka ama Hindhisada.

Xanuunka wuu dhamaadaa todobaadyo kadib.

  1. Waxaad saaxiib la noqoneysaa waxyaabaha jilciya Saxarada

Si haweeneyda looga yareeyo xanuunka qalliinka dhalmada, waxaa qasab ku ah inay qaadato cuntooyin jilciya saxarada maadaama saxarada ay dhibaato ku noqoto.

Arrintaan ayaa waxaa sidoo kale lagu caawin karaa cabidda biyo badan iyo sameynta jimicsiyo sida inaad socod yar sameyso oo kale.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button