XIRIIRKA IYO GUURKA

Hanashada Qalbiga Gabar: 5 Sirood Oo Kaa Caawinaya Inaad Hanato Qalbiga Gabar

Ku guuleysiga qalbiga gabadh waxay noqon kartaa arrin aad u adag adigoo maskaxda ku haayo suurtagalnimada inaysan waligeed ku jeclaaneyn.

Halkaan ka akhriso dhowr sirood oo kaa caawinaya inaad hanato qalbigeeda.

  1. Ammaan/Faanin

Gabdhaha way jecelyihiin in lagu amaano wax waliba. Ku ammaan muuqaalkeeda ama siday u egtahay, sida ay indheheeda u qurxanyihiin, sida ay fiicneyd hadiyadda ay kuu keentay kadibna waxaa hubaal ah inaad si fudud ku hanan doonto qalbigeeda.

  1. Dadaal samee

Haddii aad gabar jeceshahay, ku dadaal inaad tusto inaad jeceshahay, waxaad u wadi qado magaalada ah, waxaad u keeni kartaa Kaffee ama ubax qurux badan.

Inaad dalxiis aysan fileyn u wado gabadha aad jeceshahay ayaa sidoo kale ah tallaabo aad kuugu soo dhoweyn karta.

  1. Ilaalin/Difaac

Ha u ogolaan dadka kale inay ku xadgudbaan sharafteeda iyo qiimaheeda. Haddii ay qaldantahay taageero u muuji adigoo saxaya waxyar kadib.

Tani waxay keeneysaa inay kalsooni kugu qabto. Sidoo kale waxaad sameyn kartaa inaad waqti la qaadato si aad u tusto inay qiimo weyn kuugu fadhiso isla mar ahaantaana aad rabto.

  1. noqo qofka aad tahay

Waxaa laga yaabaa inaadan ahayn ninka ugu fiican balse haka been sheegin qofka aad tahay. Hakugu jeclaato sida aad tahay.

Sidoo kale waxaa foolxumo weyn iyo sharaf dhac ah inaad iska dhigto qof kale oo aanan waxba ku dheereyn adigoo isleh kusoo jiido gabadha laakiin arrintaas waa waxa ugu xun ee aad sameyn karto.

  1. Nadaafad heer sare ah

Qubeyso, iska xiir timaha oo isticmaal carfiso wanaagsan. Haweenka waxay kadaba dhacaan isla markaana aad usoo jiita ragga nadaafadda leh ee iscarfiya.

Ku dadaal nadaafadda oo ha noqon nin isdayaca oo meelaha dhigta sigisaan wasakheysan.

Related Articles

Back to top button