Ken Mijungu Oo Shaaciyay Farriin Halis Ah Oo Uu Ka Helay Ninka Soomaaliga Ee Saaxiibka La Ah Betty Kyallo

Wariyaha Kenyaanka ah ee ka tirsan telefishinka NTV Kenya Ken Mijungu, ayaa ugu dambeyn xaqiijisay inuu farrimo hanjaabo ah oo loogu sheegayo in la dilayo uu ka helay ninka Soomaaliga ah ee saaxiibka la ah gabadha Wariyaha ah laguna magacaabo Betty Kyallo.

Wareysi gaar ah oo uu siiyay website-ka Tuko ee laga leeyahay dalka Kenya ayuu ku sheegay in ninka Soomaaliga ah ee jecel Betty Kyallo, uusoo wacayay isagoo isticmaalaya taleefanka Betty si uu ugu gudbiyo hanjabaado ah inuu dilayo.

Sida uu sheegay Ken, ninka Soomaaliga ah ee xiriirka laleh Betty Kyallo , ayaa soo wacay isla markaana digniin ku siiyay inuu baraha bulshada soo dhigayo wax kasta oo lagu sameeyo jacaylkiisa Betty.

“Ninka Soomaaliga ahi wuxuu isoo wacay laba jeer isagoo ii hanjabaya. Wicitaanku oo idil wuxuu ku saabsanaa Betty iyo wixii aan soo dhigay boggeyga Facebook,” ayuu yiri Mijungu.


Ken Mijungu, ayaa Salaasadii Facebook-ga soo dhigay qoraal dheer oo uu ku difaacay saaxiibkiis Dennis Okari, kasoo Ken uu sheegay in Betty ay ku tilmaamtay aabe aanan mas’uul ahayn.

Ken ayaa qoraalkiisa oo dheeraa ku xusay ninka Soomaaliga ah ee aanan la garaneyn oo uu ku tilmaamay inuu yahay shaqsiga ka dambeeya aragtida iyo fekerka Betty Kyallo.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button