4 Waxyaabood Oo Caruurta U Baahanyihiin Inay Ka Maqlaan Waalidiintooda

Waalid kasta wuxuu u baahanyahay in Ubadkiisa ay si wanaagsan u koraan si ay u noqdaan mustaqbalka dad masuuliyad leh.

Ka Waalidiin ahaan, waa waajib idin saaran inaad Caruurtiina ku barbaarisaan hab wanaagsan oo ixtiraam leh. Arrintaan ma ahan mid fudud sidaad u maleyn karto maadaama ay u baahantahay dadaal iyo waqti loogu talagalay.

Waxaa jiraan hadallo wanaaagsan uu qofku u baahanyahay si uu sare ugu qaado hal-abuurnimada,isku kalsoonaanta iyo naxariista.

Waanku jeclahay

Dabcan, Qof kasta wuu jeclyahay marka loo sheego in la jecelyahay, caruurtaada way ogyihiin inaad jeceshahay laakiin waxaa kasii wanaagsan markii ay ka maqlaan afkaaga.

Mar kasta u sheeg Caruurtaada inaad jeceshahay iyo intaad jeceshahay.

Waanku cafiyay

Cafisku waa u muhiim qof kasta. Markii qof uu qalad kaa galo isla markaana uu ku weydiisto cafis, iska cafi. Caruurta qalad ayay sameeyaan mararka qaar iyagoo ogaada qaladkaas ay sameeyeen waxyar kadib.

Haddii ay ku weydiistaan cafis, usheeg inaad cafisay sababtoo ah arrintaan waa mid dajineysa Caruurta.

Waan kugu faraxsanahay

Waalid kasta ayaa ku farxi doona Caruurtiisa mar kasta oo ay sameeyaan wax ay ku farxaan Waalidka. Waligaa haka qarin laakiin u sheeg Caruurtaada.

Mar kasta oo wax wanaagsan ay sameeyaan ku dhiiri geli maadaama dhiirigelintaan ay ka caawineyso inay sameeyaan wixii wanaagsan si ay kaaga farxiyaan waqti kasta.

Waanka xumahay

Qaladka waa mid ka dhaca bini aadam kasta sidaa darteed ka Waalid ahaan waad sameyn kartaa qalad.

Waa masuuliyad ku saaran inaad Caruurtaada ku dhahdo waanka xumahay markaad qalad sameyso.

Tani waxay Caruurta dareensiineysaa xushmad iyo inay koraan iyagoo og inay wanaagsantahay inay dhahaan “waanka xumahay,”.

Related Articles

Back to top button