Al-Fanaan Khadar Ibraahim Keyow oo dib u helay Xorriyadiisa

Waxaa maanta dib u helay xorriyadiisa Fanaanka Soomaaliyeed ee Caanka ah Khadar Ibraahim Keeyow.

Khadar Ibraahim oo kamid ah fanaaniinta Soomaaliyeed da’ada yar isla markaana heybadda u leh fanka ayaa muddo ku xirnaa xabsi kuyaala gudaha dalka Itoobiya.


Lama shaacin sababta loo xiray fanaanka oo uu mudada dheer xabsiga ugu jiray, iyadoo aysan jirin wax war ah oo laamaha amniga Itoobiya ay kasoo saareen xarigiisa.

Fanaan Khadar Ibraahim, ayaa waxaa sii deyntiisa door weyn ka qaatay safaaradda Soomaaliyeed ee dalka Itoobiya iyo xildhibaan Cabdulqaadir Caraboow oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Fanaanka ayaa soo dhoweeyay inuu dib u helay xoriyadiisa balse si faahfaahsan ugama hadlin sababaha loo xiray.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button