TALOOYIN CAAFIMAAD

Daraasad: Cunista Basasha iyo Toonta waxay hoos u dhigaan khatarta Kansarka Qanjirka ‘prostate’

Kansarka Qanjirka (Prostate) ayaa hormuud u ah wewelka caafimaad ee saameynaya ragga, isagoo dunida ka geystay dhimasho badan.

Kansarka Qanjirka ee Prostate-ka wuxuu ku badanyahay ragga waaweyn wuxuuna ku yaryahay ragga da’da yar.

Cunnadu waa fure marka laga hadlayo kahortaga kansarkan. Qaar kamid ah cunnooyinka waxaa ku jira maadooyin kahortaga isla markaana qanjirka ka ilaalin kara Kansarka Prostate.

Toonta iyo Basashada ayaa si weyn hoos ugu dhigi kara halista Kansarka, cilmi baaris sheegtay, sida uu qoray Wargeyska Daily Mail.

Qubarada xusay in ragga ay qaataan 10 garaam oo Toon iyo Basal ah maalintii si ay uga difaacaan Kansarka Qanjirka.

Dr Ann Hsing, oo ah cilmi baare ayaa sameysay daraasad iyada oo ujeedadeedu tahay in la ogaado saameynta suurtagalka ah ee labadan maado ay u leeyihiin ka hortagga cudurkan dilaaga ah ee ku dhaca ragga.

Daraasadda ayaa soo bandhigtay natiijo muhiim ah maadaama lagu ogaaday in Toonta iyo Basasshada ay leeyihiin maaddooyin kahortaga Kansarka ayna yareyn karaan halista Kansarka Qanjirka/

Diktooreyso Hsing, ayaa sheegtay in dadka badankood aysan la socon faa’idada ay Toonta u leedahay kahortagga Kansarka sidaa darteed ay kula talineyso inay isticmaalaan xoogaa toon oo si khafiif ah loo kariyay kadibna ay ku darsadaan khudaar kale.

Daraasad uu sameeyay wargeyska National Cancer Institute, ayaa isna ku shaaciyay in Toonta iyo Basasha ay si wanaagsan u yareyn karaan halista Kansarka Qabjirka.

Marka laga soo tago Toonta iyo Basasha, cunista Yaanyada iyo jimicsiga ayaa kaa caawin kara kahortagga Kansarka Qanjirka.

Related Articles

Back to top button