6 Siyaabood oo haweeney dhaqaale leh aad uga dhigi karto mid si fudud kuu jeclaata

6 Siyaabood oo haweeney dhaqaale leh si sahlan looga dhigo mid ku jeclaata. Badanaa haweenka noocaas ah waxay raadiyaan jacayl daacad ah sidaa darted haddii aad tahay nin siin kara jacaylka daacadda ah ee ay raadinayaan waxaa hubaal ah inaysan iska kaa deyneyn oo ay waligaa kugu dhaganaan doonto.


Hoos ka akhriso.

1. Labis qurxoon

Haweenka dhaqaalaha heysto ama lacagta leh uma baahna lacagtaada laakiin waxay qiimeeyaan ninka labiska wanaagsan ama si qurux badan u labisto.


Ulama jeedo Bankiga aad ee lacag kala soo bax si aad labis ugu iibsato ee waxaan ula jeedaa haddii aad heysato shaati fiican dhaqo ee feereey, cidiyaha iyo timaha iska jar kadibna waad qaadi kartaa tallaabo aad ku hananeyso haweeneydaas.

2. waxgaradnimo

Ha noqon nin ku hadla wax aanan micno lahayn ama iska hadla. Haweenkaan dhaqaalaha heysto waxay rabaan sheekooyin maqcuul ah oo ku saabsan mowduuc kasta oo aad ka hadleyso. Sii talooyin wax ku ool ah adigoo sidoo kale abaaraya ujeedooyinkaaga.


3. Ogoow waxay jeceshahay

Ogoow waxyaabaha ay jeceshahay oo noqo qof la socda arrimahaas. Adigana jecloow markaas waxay jeceshahay adigoo dulqaadanaya kadibna waxaad goosan doontaa faa’idooyinka  dhibaatooyinkii aad soo martay.

Waxyaabahaas ay jeceshahay haweeneyda ee aad adigana jeclaaneyso si aad u hanato haweeneydaas waxaa kamid noqon kara waxyaabaha ay xiiseyso, filimaanta, cunto, wax aqrinta, dalxiiska iyo wixii lamid ah.

4. Qosol/ shactaro

Ha isku dayin inaad noqoto majaajiliiste haddii kale nacas ayaad iska dhigeysaa. Waxaa kaliya ee lagaa doonayo ayaa ah inaad noqoto qof kaftan wanaagsan lama rabo kaftan xun.

5. Mashquul

Ha u ordin ama horey haka qaban taleefanka mar kasta oo ay kusoo wacdo. Ismashquuli. Haweenka noocaan ah way qiimeeyaan markaad himilo leedahay oo aad ka shaqayso.

Lama rabo inaad riyooto ee waxaa lagaa rabaa inaad ka shaqeyso riyooyinkaaga.

6. Madaxbanaani

Waligaa haweydiisan caawinaad dhaqaale ama nooc kale ah. Qaladaadka raga badankood ay sameeyaan ayaa ah inay horey ka bilaabaan inay weydiistaan caawinaad dhaqaale ama nooc kale ah markay ogaadaan in haweeneyda dhaqaalaha heysato ay xiriirka la waddo.

Xittaa haddii ay lacagta ku siiso marka hore iska dhig qofaan rabin, hakugu barido inaad qaadato lacagta oo mar haddii ay baryo tagto ugu yaraan waa caadi waala qaadan karaa.

Waligaa ixsaan ha weydiisan, lacagaha bixi markaad damaashaad aadaan ama aad maqaahi wax ka cuntaan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button