Sida Looga Hortago Cudurka Halista Ah Ee Coronavirus (Afar Qaab Oo Fudud)

Cudurka Coronavirus, waxa uu walwalbadan ku hayaa dunida oo dhan, iyadoo cudurkaan uu dad farabadan ku dilay waddanka Shiinaha halka kumanaan kale ay la ildaranyihiin.
Shabakadda Aayaha, ayaa waxay idiin soo gudbineysaa sida looga hortago cudurkaan halista ah.
1. Gacmaha iskaga dhaq saabuun iyo biyo si aad u yareyso halista infekshinka
Qaabka ugu wanaagsan ee looga hortago cudurka Corona virus, ayaa ah inaad intabadan iska dhaqdo gacamaha. Gacmaha ku qooy biyo diiran kadib mari Saabuun 20 illaa 30 ilbiriqsi kadib waxaad gacmaha iskaga dhaqdaa biyo diiran oo nadiif ah.
Mar kasta iska dhaq gacmaha intaadan wax cunin ama aadan wax cabin. Si kastaba waxaa aad u wanaagsan inaad gacamaha iska dhaqdo markaad banaanka ka timaado ama aad la joogtay qof aad ka shakisantahay inuu xanuunsanyahay.
Hadaadan dhaqi karin gacmahaaga, isticmaal gacmo nadiifiye leh 60% aalkolo.
2. Gacmahaaga ka ilaali indhahaaga, sankaaga iyo afkaaga
Waxaa laga yaabaa inaad Corona virus kusoo taabato gacmahaaga sidaa darted marka ay dhacdo taas jeermiska gacmahaaga ayuu baaqi ku ahaan karaa taasoo fududeyn kartaa inaad adiga isqaadsiiso haddii wajigaaga ku taabato gacmo wasakh ah.
Iska ilaali inaad gacmahaaga ku taabato sankaaga iyo afkaaga haddii feeyruska gacmahaaga ama jirkaaga uu ku jiro ama aad iska shakisantahay.
3. Ka fogoow dadka qufaca ama hindhisaya
Maadaama Coronavirus uu yahay caabuq xagga neef mareenka ah, qufac iyo hindisada waa astaamo lagu yaqaan. Waxaa intaas dheer in qufaca iyo hindhisada ay hawada u saaraan feyruska, sidaa darted halis ayaad u gali kartaa cudurka.
Ka fogoow dadka u muuqda inay qabaan caabuq dhanka neef mareenka ah.
4. Iska buufi
Nasiib darro, Coronavirus wuxuu ku dhuuman karaa meelaha qaar sida, Kushiinka, tubbooyinka biyaha iyo meelaha kale ee aadka loo isticmaalo sida albaabada oo gacmo waliba lagu qabto.
Adeegso oo ku buufi jeermis-dile ama ku tirtir si aad u nadiifiso waxyaabahan maalin walba.