XIRIIRKA IYO GUURKA

Sida Loogu Guuleysto Kulanka Ugu Horeeya Ee Haasaawaha

Inaad si wanaagsan isku diyaariso kulanka ugu horeeya ee haasaawaha waa arrin aad muhiim u ah waa mid kaa saacideysa inaad gool kale ku dhaliso kulanka soo socda.

Hoos ka akhriso dhowr waxyaabood oo kaa caawinaya inaad ku guuleysato kulankaaga ugu horee ee haasaawaha.

1. U diyaar garoowga Shukaansiga

Isnadiifi: kahor intaadan ka tagin guriga, suuliga gal qubeyso oo si wanaagsan u qubeyso laga billaabo madaxa illaa lugaha. Hana hilmaamin sidoo kale inaad timaha iska dhaqddo.

Natiijada ugu wanaagsan, waa inaad isticmaashaa waxyaabaha udgoonka dabiiciga ah leh si aad usoo carafto ugu yaraan dhowr saacadood. Dhib malahan wixii kale laakiin inaad qubeysato waa arrin aanan ka hadal lahayn.

Nadaafadda shaqsiyadeed ayaa ah mid kaalin mug leh ka qaadata u diyaar garoowga haasaawaha. Waxa ugu dambeeya ee aad u baahantahay inaad iska tuurto ayaa ah wixii shiir ah ee waxyeeleeynaya niyadda.

2. Labis wanaagsan

Qaado dhar nadiif ah oo qurxoon kuguna habboon. Haddii aadan heli Karin waxaad jeceshahay dukaameysi aa doo dhar wanaagsan soo iibso ama saaxiibkaa weydiiso inuu ku amaahiyo.

Markaad dareento inaad fiicantahay, waxay ubdantahay inaad fiicnaansho dareento.

Iska hubi in labiskaagu ku habboonyaay waxaad rabtid inaad sameyso, sidaa darted si wanaagsan u labiso si aad u cajab galiso gabadha ama wiilka.

3. Iscarfi

Markaad si wanaagsan ulabisato oo aad aragto in labiskaagu aysan wax ka dhinneyn, isticmaal Cadar ama wax kale oo udgoon xittaa saliid ha noqoto, ugu yaraan raadso carfiso.

Udgoonka ayaa ah mid kamid ah waxyaabaha ugu horeeya marka ay noqoto haasaawe. Isku day inaadan iska badin cadarka. Waxyar ayaa kaa dhigi kara mid soo jiidasho leh.

4. Isticmaal wax neefta carfiya

Waxaa muhiim ah inaad isticmaasho wax carfiya afkaaga ama neefta afkaaga kasoo baxaysa, sida xanjada oo kale inaad baakad jeebka ku qaadato.

Waxyaabahan ayaa waxay sidoo kale kaa caawinayaan inaad sameyso shumis ah habeen wanaagsan waa haddii waxa sidii loo baahnaa u dhacaan.

Waxaa fikrad aad u wanaagsan ah inaad cadeysato kahor intaadan kulanka haasaawaha galin. Neefta oo urta ayaa ah mid kamid ah waxyaabaha niyadda kaa dili kara isla markaana kaa dhigi kara qofaanan soo jiidasho lahayn ama laga carrao.

5. Casho

Casho u baxa si aad uga wada hadashaan waxyaabo muhiim ah. Cashada waa mid Sharaf leh kulanka ugu horeeya ee haasaawaha. Waxaad tagtaan meel aad labadiinuba jeceshihiin.

Related Articles

Back to top button