Gabdhaha Oo Dhan Waa Inay Ka Fogaadaan Waxyaabahaan Marka La Guursado

Guur xasilloon oo farxad leh waxaa had iyo jeer lagu gaaraa dadaal iyo in lamaanaha uu midba kan kale ixtiraamo.

Nasiib darro dumarka qaarkood ma bedelaan dhaqan kooda markii la guursado, taasoo wax yar kadib keenta isfaham waa iyo furriin.


Hoos ka akhriso, qaar kamid ah waxyaabaha ay tahay in gabadha marka la guursado aysan sameyn.

1. Ha noqon qof wax waliba kaligiis isla jecel/ kaligiis iska fekera

Haddii aad kaligaa iska fakari jirtay oo aad wax waliba isla jecleyd sanado badan kadibna aad guursato, waxay noqon kartaa la qabsasho adag in baahiyaha lamaanahaaga aad ka hormariso kuwaaga.

Bini aadamka waa kuwo iyaga kaliya iska fekera laakiin taasi kuuma noqoneyso marmarsiiyo ah inaadan mudnaan siinin baahiyaha dadka kale.

Calaamadaha la eego arrintaan ayaa ah, wax wadaagis la’aan, isu tanaasul la’aan iyo inaad xittaa lamaanahaaga kula tartanto inuu noqdo mid shaqada iyo waalidnimada ku fiican.

Dhaqankaan wuxuu lamaanahaaga kale dareensiinayaa inaadan rabin isla markaana uusan muhiim ahay n.

2. Iska ilaali wareeg badan

Wareegga wuxuu lamaanaha ka dhex dhaliyaa isfaham waa iyo shaki. Lamaane wareeg badan kama qeyb qaadan karto yagleelidda qoys waxayna arrintaan sababeysaa furriin.

Xiriirka kaala dhexeeya lamaanahaaga mar waliba halis ayuu ku jiraa haddii aadan iska dhaafin dabeecaddaan. Waqtigaaga sii qoyskaaga haddii aad rabtid in guurkaagu shaqeeyo.

3. Dad xun hala socon

Waxaa jirta oraah odhaneysa, ‘qofkaa rabtid inaad barato saaxiibkiis ayaa la fiirshaa’. Maahmaahdaan waxay kaloo quseysaa guurka. Saaxiibada aad la soctid ayaa intabadan qeexi doona waxaad sameyso.

Iska ilaali saaxiibada mar waliba kugu marin habaabin doona inaad sameysid waxyaabo burburin kara guurkaaga.

Saaxiibada wanaagsan waa kuwo mar kasta ku dhiiri geliya  isla markaana ku garab taagan waqtiyadaaad u baahantahay.

4. Iska ilaali beenta

Mar haddii beenta ay badato xiriirka wuu guuldareysanayaa. Haddii aad waxyaabo muhiim ah sida, lacag ama halka aad aado ka qariso lamaanahaaga waa dhibaato waxayna sababayaan khilaaf marka uu ogaado ama ay ogaato.

Haddii lamaanahaagu ku aamini waayo waa musiibo weyn. Beentana waxay noqon kartaa waxa aan isku sheegno sida, “Farxadeyda ayaa ka qiimo badan guurka,”. Inagoo aaminsanahay in beenta noocaan ah ay Meesha ka saareyso muhiimadda lamaaneheena.

Sidaa darteed, beenta waxay ku timaadaa qaab kasta, marka ilaali guurkaaga adigoo daacad u noqonaya lamaanahaaga.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button