Idris Elba oo laga helay caabuqa Coronavirus

Caabuqa Koronvirus, ee dhibaatada ku haaya caalamka ayaa ku dhacay Jilaaga caanka ah ee Idiris Elba.

Idris Elba, ayaa qoraal iyo muuqaal uusoo dhigay bartiisa Twitter-ka ku xaqiijiyay in laga helay cudurka Coronavirus.


Waxa uu sheegay in saaka laga helay cudurka Coronavirus laakiin uu wanaagsanyahay, isagoo intaas ku daray in la karantiilay maadaama uu ogaaday inuu la kulmay fayraska Corona.

Idris Elba, ayaa sheegay in inkastoo lga helay cudurka, hadana uusan qabin calaamadaha cudurka Coronavirus, isagoo tilmaamay inuu guriga joogo isla markaana la tacaalayo fayraska.

Wixii kusoo kordha xaaladdiisa, ayuu sheegay inuu soo gudbin doono.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button