9 Siyaabood Oo Lagu Hanto Qalbiga Gabar

0

Way sahlantahay inaad gabar isjecleysiiso gaar ahaan haddii aad u marto waddooyinka loogu talagalay in loo maro. Waddooyinkaas loo maro waxaa kamid ah in gabadha aad kula dhaqanto wanaag iyo ixtiraam oo ah halka ay wax waliba ka bilaawdaan.

Waxaan idiin soo gudbineynaa qaar kamid ah farsamooyinka ugu fudud ee aad isticmaali karto si gabar aad uga dhigto mid ku jeclaata.

Hoos ka akhriso farsamooyinkaas oo haddii aad isticmaashid si weyn kuu caawin doona.

1. Haka daba cararin gabar gaar ahaan waqtiga kuugu horeeya ee aad la kulanto

2. Mar kasta si wanaagsan ulabiso kahor intaadan la kulmin sababtoo ah haddii aad labis xuntahay waxay kuu arkeysaa nin liita oo aanan iska fekerin.

3. Mar waliba ka feker oo noqo mid daneeya xaaladdeeda iyo sida ay tahay.

4. Ka hadal dadaalkeeda kuna dhiiri geli adigoo uga mahadnaqaya

5. Sii waqtigaaga mar kasta oo aad fursad hesho si aad ula sameyso nolol saaxiibtinimo leh oo aad iskugu soo dhowaataan isla markaana aad isku fahamtaan.

6. Haka hadlin wax ku saabsan qofaad saaxiibo ahaan jirteen mar kasta oo aad wada hadleysaan.

7. Mar kasta kawac taleefanka.

8. Xaasuusnoow inaad u sheegto waxyaabaha aad ku jeceshahay oo aad ka heshay.

9. Noqo mid u furfuran hana ka qarin siro aanan micno lahayn.