8 Sifood Oo Lagu Garto Marka Ninka Uu Ku Faraxsanyahay Xaaskiisa

Ha u qaadanin in wax kasta oo guurkaaga quseeyo ay hagaagsanyihiin. Hubi in ninkaagu uu kugu faraxsanyahay adigoo ka eegaya tilmaamahaan.

1. Ninkaaga waaku faraxsanyahay inaad xaaskiisa noqotay haddii uu kugu kalsoonyahay isla markaana uusan waxba kaa qarin. Ragga ayaa lagu yaqaan in macluumaadkooda aysan haweenka la wadaagin balse haddii uu kula wadaago taasi waxay muujineysaa inuu kugu faraxsanyahay kuna jecelyahay.

2. Ninkaaga waaku faraxsanyahay inaad gacalisadiisa noqotay mar hadduu farxad dareemo marka uu kula joogo. Dhib malahan sida ay maalintaas uga jahwareersantahay, la joogaaga ayaa farxad iyo iftiin u keena.

3. Ninkaaga wuuku faraxsanyahay inaad boqoraddiisa noqotay hadduu dareemo inaad ixtiraamto isla markaana aad qiimeyso. Raggu way jecelyihiin marka xaasaskoodu ay qiimeeyaan sidoo kalana ixtiraamaan.


4. Ninkaagu wuuku faraxsanyahay guurkaaga haddii uusan kuu caroona isla markaana cuqdad uusan kuu qaadan markaad qalad sameyso. Sababta uu arrintaan u sameynayo ayaa ah in wax dhacay aysan saameynin faraxadda iyo mustaqbalka aad wadaageysaan.

5. Haddii uu kuula macaamilo inaad muhiim u tahay kadib waaku jecelyahay wuuna ku faraxsanyahay guurka. Waxaad muhiim u noqon kartaa kaliya marka uu ku raaxeysto guurka.

6. Wuuku faraxsanyahay guurkaaga haddii uusan ku yasin. Iskuma dayo inuu ku liido, wuuna kaa ilaalshaa waxyaabaha niyaddaada dhaawacaya.


7. Ninkaaga wuuku jecelyahay haddii uu kugu aqbalo sida aad tahay mana eego cilladahaaga.

8. Ninkaagu wuu kugu faraxsanyahay haddii uu jecelyahay inuu kaa farxiyo isla markaana dhib walbo uu umaro xaqiijinta inaad faraxdo.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button