Nin Mar Qura Wada Dilay Xaaskiisa Iyo Wiil Ay Dhashay Kadibna Sameeyay Arrin Yaab Leh

Booliiska magaalada Dallas ee dalka Mareykanka, ayaa sheegay in nin ka tirsan dadka deegaanka Grand Prairie, uu toogasho ku dilay xaaskiisa iyo wiil ay dhashay oo uu adeer u ahaa.

Eedeysanaha oo 50 sano jir ah laguna magacaabo Rickey Edwards, ayaa markii uu dilay xaaskiisa iyo wiilka wacay booliiska.

Booliiska Grand Prairie, ayaa sheegay in markii Rickey Edwards, uusoo wacay saacaddu markii ay ahayd 4:00 PM Axaddii uu ku wargeliyay in xaaskiisa iyo wiilka ay dhashay lagu dhex toogtay guriga oo ku yaala 7000 Monet Lane.

Booliiska ayaa markii ay goobta tageen waxay ku arkeen Portia Williams-Edwards oo 46 sano jir ahayd iyo Kameion Kitchen oo 28 sano jir ahaa oo rasaas ay ka muuqatay goobtana ku geeriyooday.

Edwards, ayaa la xiray isagoona wajahaya eedeymo dil.


Booliiska Grand Prairie, ayaa baaraya dhacdadaan iyo inay ku lug lahayd arrimo qoys.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button