Gabaryahay Sameey Shantaan Waxyaabood Haddii Aad Rabtid Nin Wanaagsan

Qaar kamid ah haweenka nasiib uma lahan ragga wanaagsan oo mar dhif ah ayay kusoo aadaan. Sidaa darteed haddii aad rabtid nin wanaagsan waxaa jira waxyaabo loo baahanyahay inaad sameysid.

1. Labiska

Waxaad u baahantahay inaad si wanaagsan u labisatid haddii aad rabtid nin wanaagsan oo nolosha kula qeybsada.

Marka aan labiso leeyahay ulama jeedo inaad u labisato sidii gabar xun adigoo isleh qaabkaas nin ayaad ku heleysaa. waxana ula jeedaa si aqyaarnimo ah oo wanaagsan u labiso.

2. Ha isqiimo dilin/ Raqiis ha iska dhigin

Waxaad soo jiidaneysaa ragga nooca xun marka aad naftaada ka dhigtid mid uu si fudud ku helo nin kasta.

Waxaad iska dhigtay naag si daran nin ugu baahan oo weysay nin guursada marka aad raqiis iska dhigtid, sidaa darteed, haddii aad rabtid nin wanaagsan raqiis ha iska dhigin.

3. Waa inaad taqaanaa waxa aad uga baahantahay nin

Haweenka shukaansada nooc kasta oo raga ah waxaa ku adkaata inay helaan ragga kuwooda wanaagsan.

Haddii aad rabtid inaad la kulantid nin wanaagsan, waxaa jira tayooyin aad u baahantahay inaad ka eegtid ninka, waxana kamid ah: waan inaad heshaa nin aanan kuula dhaqmeyn six un, nin ku taageeraya isla markaana kalsooni ku siinaya.

4. Waa inaadan ka cabsan kali ahaanshaha

Haweenka doonaya ragga wanaagsan kama cabsadaan inay kali ahaadaan ama ay ku noolaadaan nolol kalinimo ah.

Marka aadan ka cabsaneyn kalinimada waxay u badantahay inaad kahor tagtid ragga xun oo aad la kulantid kuwa wanaagsan. Sugo qofka kugu haboon intaad shukaansan lahay nin kasta oo kugu soo aada.

  1. Waa inaad noqotaa gabar wanaagsan

Ma noqon kartid gabar xun oo hadana filaneysa nin wnaaagsan, taasi ma shaqeyso, si aad u noqoto gabar wanaagsan oo nin wanaagsan uu rabo, waa inaad gabar wacan oo edab iyo aqlaaq leh noqotaa.

Related Articles

Back to top button