XIRIIRKA IYO GUURKA

6 Mar Oo Muhiim Ay Tahay Inaad U Mahad Celiso Gacalisadaada

Waxaa jira waqtiyo muhiim ah oo lgacalisadaada loo muujiyo qadarin. Hoos ka akhriso.

  1. Markii ay wax kuu sameyso

Aad ayay muhiim u tahay inaad qadariso gacalisadaada marka ay wax kuu sameyso; haddii ay noqon lahayd waxaad ka codsatay ama  xittaa hadii aysan ahayn wax aad qiimeyso. Haddii ay waqti galisay oo dadaal ay ku bixisay inay wax kuu sameyso, waa inaad uga mahadcelisaa.

  1. Markii ay wax yar xittaa kuu sameyso

Dadka qaarkood waxay gacalisadooda u mahad celiyaan mark ay wax weyn u sameyso oo kaliya; kuma qadariyaan markeey wax yar u sameyso iyagoo u arka wax caadi ah — balse waa qalad taas. Waa in gacalisadaada ku qadarisaa xittaa waxyaabaha yar yare e ay kuu sameyso.

  1. Markay had iyo jeer kuu taagantahay/garab ay kuu tahay

Gacalisadaada waxay noqon kartaa mid kuu heelan markaad ubaahato; waxay noqon kartaa mid diyaar kuu ah dareen ah iyo taageero ahaan waqtiyada aad u baahantahay waa inaad ku qiimeysaa lamaantaada taas oo aad uga mahad celisaa.

  1. Markay guul gaarto

Marka gacalisadaada ay wax ku guuleysato ama hormar ay sameyso, waxbarasho ama ganacsi ama waxyaabo kale oo nolosha qeyb ka ah, waa inaad ku dhiiri gelisaa ugana mahad celisaa dadaalkeeda.

  1. Marka ay hormariso xiriirka

Ma jiro qof dhammeystiran, qof kasta waxa uu sameeyaa qalad xittaa waxaanu ku sameynaa xiriirka. Si’kastaba waxaa muhiim ah inaad gacalisadaada aad uga mahadceliso marka ay hormar kusoo kordhiso xiriirka oo ku dhiiri geli.

  1. Marka ay dadaal walbo sameyso

Marka ay gacalisadaada usoo go’do guurka isla markaana ay aad uga shaqeyneyso sidii uu uhormari lahaa, waa inaad uga mahadcelisaa. Ma noqon karto kaliya mid ku saabsan guurka balse sidoo kale sidii ay u daryeeli lahayd caruurta iyo hooyga uga mahad celi way mudantahay.

Related Articles

Back to top button