5 Waxyaabood Oo Lamaanaha Sida Dhabta Ah Isku Jecel Ay Maalin Walbo Sameeyaan

Jaceylku waa dareen oo si dhab ah loo muujiyo. Marka lamaanaha ay si dhab ah isku jecelyihiin, waxay wada qaataan waqti ay ku sameeyaan waxyaabaha qaar.

  1. Way xiriiraan

Lamaanaha isjecel maalin kasta ayay isla hadlaan; waxay ka wada hadlaan waxyaabaha kusoo kordha noloshooda iyagoona midba kan kale uu warkiisa maqlo. Waxa ay ka simanyihiin lamaanaha isjecel ayaa ah xiriirka.


  1. Jacaylkooda ayay muujiyaan

Lmaanaha isjecel waxay sidoo kale raadiyaan habab ay iskugu muujiyaan jacaylkooda iyo qiimaha midba kan kale uu ugu fadhiyo. Waxa uu midba kan kale u sheegaa sida uu dareemayo.

  1. Way isku naxariistaan

Lamaanaha sida dhabta ah isku jecel waxay midba kan kale u sameeyaa waxyaabo wanaagsan. Had iyo jeer maskaxda ayay iskaga jiraan oo way iska fekeraan, sidaa darteed mid walba waxyaabo naxariis leh ayuu kan kale dhahaa iyagoo naxariis isku muujiya.

  1. Way is qadariyaan

Lamaanaha sida dhabta ah isku jecel sidoo kale waxay wada qaataan waqtio ay isku qadariyaan. Mar walba waxaa jira wax ay isku qadariyaan maalin kasta , lamaanaha dhabta isku jecelna kuma guul dareystaan inay isqadariyaan oo ay isxushmeeyaan.

  1. Way iska farxiyaan

Lamaanaha jacaylka dhabta ah isku qaba waa kuwo iska fekera; halka wax ay si joogta ah usameeyaan maalin walba ayaa ah in qof walba qofka kale uu ka farxiyo, lamaanaha iska farxiya farxad ayay ku noolaadaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button