Home XIRIIRKA IYO GUURKA 5 Tilmaamood Oo Lagu Garto In Ninka Uu Si Dhab Ah Kuu...

5 Tilmaamood Oo Lagu Garto In Ninka Uu Si Dhab Ah Kuu Rabo Gabaryahay (Waa Daacad)

0

Waxaa jiraan calaamado muujin kara haddii nin uu si dhab ah kuu rabo isla markaana uu daacad kuu yahay.

Hoos ka akhriso.

1. Ma joogi karo hal maalin isagoo aanan ku maqlin

Ninka sida dhabta ah kuu rabo ma joogi karo hal maalin isagoo aanan ku maqlin ama kulasoo hadlin.

Maalintiisa waxbaa ka maqan illaa uu kaala hadlo isla markaana uu ka ogaado inaad fiicantahay.

2. Waaku farxaa inuu kuu sameeyo waxyaabaha aad jeceshahay

Si daacad ah ayuu kuu rabaa haddii uu ku faraxsanyahay inuu kuu sameeyo waxyaabaha aad jeceshahay, haddii ay noqon lahayd inuu isaga jecelyahay iyo inuusan jecleyn.

3. Wuxuu ku dadaalaa inuu ku arko

Ninka sida dhabta ah kuu rabo kuma eekaanaayo inuu fariimo kuusoo diro isla markaana uu kusoo waco balse wuxuu sidoo kale ku dadaalaa inuu ku arko. Dhib malahan si walboo uu mashquul u yahay waa u muhiim inuu ku arko.

4. Waakuu furfuranyahay waana daacad

Xiriirku muddo dheer ma jiraayo haddii aysan kalsooni jirin. Xiriir aysan kalsooni isku qabin labada qofood mar kasta wuu burburayaa.

Marka ninku ufurfuranyahay isla markaana uu si weyn daacad ugu yahay gabadha way iska cadahay inuu daacadyahay oo uu si dhab ah kuu rabo gabaryahay.

5. Wuxuu ilaaliyaa ballamaha uu kaa qaado

Marka ninku uu si dhab ah u rabo haweeney, ma doonayo inuu niyad jabiyo. Waxay noqotaa mid aad iyo aad muhiim ugu ah isaga.

Sidee ninku ku muujiyaa inaad muhiim u tahay isaga? Wuxuu xaqiijiyaa inuu fuliyo wuxuu kaa ballan qaado, isagoona ku dadaalo in ballan taas aysan noqon afka kaliya.

Sidaa darteed, haddii aad aragto in ninka uu ilaaliyo ballamaha uu kaa qaado waa inaad ogaato inuu daacad kuu yahay isla markaana uu si dhab ah kuu rabo.