XIRIIRKA IYO GUURKA

3 Qaab oo Dumarka looga dhigo kuwo aanan kaa harin oo si xad dhaaf ah kuu jeclaado

Dhab ahaantii Haweenka waxay jecelyihiin in la qiimeeyo oo la kool-kooliyo oo la xushmeeyo isla markaana si wanaagsan loola dhaqmo.

Haweenka in si qoto dheer oo dhab ah loo jeclaado ayay aad u jecelyihiin marka aad intaan u sameysid waxay noqoneysaa mid dareen ahaan kusoo dhex gasha oo kugu waalata.

Hoos ka aqriso waxaayabah muhiimka oo aad u baahantahay inaad u sameeysid.

1- Kalsooni

Ninka isku kalsoon waa nin aanan la dafiri Karin awooda uu uleeyahay soo jiidashada dhinaca dumarka oo misana xushmad ku darsada.

Marka ninka tan maareeya ee kalsoonida buuxda isku qaba waa kan ay dumarka raadiyaan, isla markaana sidii birta ay ugu dhagaan.

2- Daacadnimo

Qof kasta wuu ogyahay in maalmahan ay adagtahay daacadnimada, gaar ahaan nimanka fasalkaan jira marka haddii aad daacad tahay oo daacadnimana kula dhaqantid kaama hareyso ninka dhabta ee ay dumarka aaminsanyihiina waa kaas.

Dumarka wey aamin badanyihiin waxayna jeceyihiin daacadnimada oo ay wax walbo ku bixiyaan daacadnimada waxa ay tahay waxa keena inay naftooda kuu hibeeyaan.

Haddii ay daacadnimo kaa helaan oo ay xaqiijiyaan taas waxa ay kaaga tagaan ayaa noqon doonta mid aad u adag

3- Raaxo heer sare ah

Waa wax lala yaabo haddii aad daacadnimo iyo kalsooni aad ku darsatid galmo ama raaxo heer sare ah markaa wax walbo waa dhanyihiin waxayna noqon doonta mid aanan kaa harin.

Inkastoo dadka qaarkood ay dhihi karaan hantida ayaa ka wanaagsan sadexdaan qodob, wax adhan aad u baahantahay ayaa ah inaad hareerahaaga eegtid isla markaana aad aragtid tirade dadka aanan qaniga ahayn  balse iskula jooga jacayl dhab ah.

Taasina waxay kuu sheegeysaa in hanti la’aanta aysan dhib ku heyn niyadda haweenka markii ay dareen jacayl oo dhab ah qabaan.

Related Articles

Back to top button