XIRIIRKA IYO GUURKA

9 Sifood Oo Ay Leedahay Gabadha Noqon Doonta Xaas Wanaagsan

Ma jiro nin dareen sax ah leh oo guursanaa xaas xun, halka shay oo qof kasta uu rajeeyo markii uu lamaan xulanaayo ayaa ah inuu qof wanaagsan uu helo.

Waxaa jira waxyaabo lagu noqdo xaas wanaagsan iyo mid xun, waana umuhiim gabar kasta inay dhisto wadadii ay ku noqon lahayd xaas wanaagsan kahor inta aysan guursan.

Way adagtahay in naaftaada loo taliyo balse qaabkaan waad ogtahay waxana ku noqon kasraa xaas wanaagsan.

Ma cabasho iyo qaylo badno

Xaaska wanaagsan waxay garaneysaa qaabka loo xakameeyo afkeeda, dhib malahan si walbo oo ay tahay haweeneyda wanaagsan marnaba ma noqoneyso Xaas wanaagsan haddii ay cabasho iyo muran badantahay.

Ma ahan daneyste ama qof nafteeda uun ka fekerta

Haddii aad xiriirka ka sameysid inay naftaada ay dan ugu jirto, ogoow inaadan ahayn xaas wanaagsan, si kastaba, haddii aad wax badan xiriirka uga fekertid naftaada isla markaana aad dantaada ku ilaashatid, ma tihid xaas wanaagsan.

Gacan qabasho

Xaaska wanaagsan waa mida seygeeda ku taageera hormarka isla markaana sameysa wax kasta oo wanaagsan oo ay ku hubineyso in seygeeda uu hadafkiisa iyo riyooyinkiisa gaaro, haddii aadan daneyn guulaha seygaaga, riyooyinkiisa iyo rajooyinkiisa, marnaba ma noqoneysid xaas wanaagsan.

Naf hurid

Xaaska xun waxa ay ka fekertaa oo kaliya waxa ay heli karto, xaaska wanaagsan nafta ayay hurtaa, waxay rabtaa in guurkeeda uu noqdo kan ugu fiican sidaa darteed naftaada hur si wax walbo u hagaagaan.

Nagta ma hurtaa guurkaaga iyo mustaqbalkaaga?

Ku dadaalid wanaajinta seygeeda

Haweeney kasta oo wanaagsan waxa ay rabtaa inuu ninkeeda wanaagsanaado waxayna dadaal badan ku bixisaa sidii ay arrintaa u xaqiijin lahayd. Marka haddii aad xiiseyneysid sidii aad uga dhigi lahayd nin wanaagsan waxaad u baahantahay inaad naftaada weydiisid nooca xaaska aad adiga tahay.

Ma xukunto ninkeeda

Iyadoo isku dayeysa in ay ninkeeda ka dhigto nin wanaagsan ama ay u sameyso waxyaabaha qaar, qaar kamid ah haweenka ayaa isku daya inay xukumaan ragga isla markaana ay ilaaliyaan, tani waxa ay inta badan noqotaa dhabar jab waxayna dileysaa xiriirka.

Waxaa tahay mid kalgacayl badan

Haweeney kasta oo dooneysa guur wanaagsan waa inay qalbigooda galiyaan kalgacayl, haddii aadan jacayl buuxa u qabin ninkaas waa inaadan isku dhibin inaad la joogtid maxaa yeelay marnaba uma noqoneysid xaas wanaagsan.

Waxaa tahay qof weyn da’ ahaan iyo caqli ahaan

Ma noqon kartid xaas wanaagsan haddii aadan qof weyn ahayn sidaa darteed da’da waxay kamid tahay furayaasha guusha ee guurka marka haweeney da’dii loo baahnaa gaartay ee guurka ama kasii weyn ayaa qaadi karta culeyska guurka.

Waxaa tahay qof daacad ah oo xushmad badan

Xaas wanaagsan waa qof daacad ah oo xushmad badan, waxay xushmad ballaaran u heysaa seygeeda weyna ka dambeysaa, sidoo kale waa daacad kalsooni badan, marka gabadhii xiriir nin laleh ha qaadato sifooyinkaan haddii ay rabto inay noqoto xaas wanaagsan.

Related Articles

Back to top button