Gabar Soomaali Ah Oo Ninkeeda Si Fool Xun Ugu Dilay Jarmalka

Dhacdo xanuun badan oo ay aad uga nexeen Soomaalida ku nool dalka Jarmalka ayaa saaka ka dhacday magaalada Cloppenburg ee gobolka Niedersachsen.

Gabar Soomaali ah oo lagu magacaabi jiray Leylo Saciid ayaa ninkeeda uu ku dilay xarun qaxooti oo ku taalla magaalada Cloppenburg.

Allaha u naxariistee marxuumada oo sanadkii hore dhamaadkiisa qaxooti ahaan looga soo qaaday dalka Masar ayaa la sheegay in ninkeeda uu dilkeeda u adeegsaday tooreey.

Ciidamada boliiska ayaa durbadiiba waxaa dhacdadaan ku wargeliyay dad lamaanaha la deganaa xarunta loogu talagalay dadka qaxootiga ah kuwaas oo durbadiiba goobta yimid.

Eedeysanaha oo lagu magacaabo Faarax Cali Muuse, ayaa la sheegay inuu isku dayay inuu baxsado falka kadib balse ciidamada Boliiska ay gacanta ku dhigeen, waxana socdo baaritaano ay wadaan ciidamada Booliiska oo ku aadan sida uu falka u dhacay iyo waxyaabaha keenay dilka marxuumad Leylo.

Gacan ku dhiiglaha iyo marxuumada ayaa is guursadeen bil iyo bar kahor iyadoona Meherkooda uu bishii Abriil ka dhacay magaalada Muqdisho, sida aanka soo xiganay dad si aada ugu dhow.

Marxuumad Leylo ayaa heysatay wiil yar oo 2 sano jir ah oo nin ay horey u kala tageen u dashay kaasoo ku sugnaa goobta dambiilaha uu ku dilay hooyadiis taasoo ah uur ku taallo xanuun badan.

Wiilka yar ayaa waxaa iminka gacanta ku haayo hay’ada dowlada Jarmalka u qaabilsan daryeelka caruurta.

Falkaan ayaa waxaa si weyn u cambaareeyay ugana naxay Soomaalida ku nool dalka Jarmalka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button