XIRIIRKA IYO GUURKA

Sifooyinka Gabadha Qiimaha Leh Ee Ragga Oo Dhan Ay Raadiyaan

Haweeney Sharaf iyo qiimo leh waa nooca nin kasta ku habboon waana dookha nin kasta; waxay leedahay tayooyin cajiib ah ninkii helana iskama daayo.

1. Waxay amaantaa seygeeda

Haweeneyda sharafta iyo qiimaha leh waa mid taageerta seygeeda; marka uu uu liito way adagtahay; marka uu rajo beelo waxay aaminsantahay inay tahay xooggiisa, waana mid amaanta daqiiqad walba.

2. Waa mid kalgacayl leh

Haweeneyda sharafta iyo qiimaha leh waa mid leh kalgacayl, waxay jeceshahay dadka, aad ayayna sidoo kale u jeceshahay seygeeda, haweeneyda sharafta leh waa haweeney kalgacayl leh.

3. Waa garab

Haweeneyda qiimaha leh waa taageeraha ugu weyn ee ninka; taageero ayay la garab istaagtaa seygeeda, waa mid aad u caawisa seygeeda marka ay xaaladda ku xuntahay, waxay sidoo kale ninkeeda ka cawisaa go’aanada iyadoo siisa go’aano wanaagsan oo muhiim ah.

4. Waa qof degan oo faham leh

Haweeneyda sharafta leh waa haweeney degan oo dhaqan wanaagsan; ma ahan mid qeylo iyo cabasho u saaxiib ah, waa mid wax ka maqasha seygeeda isla markaana isku dayda inay fahamto seygeeda, xitta marka aysan go’aankiisa ku raacsaneyn, waa haweeney ammaan ah oo degan.

5. Waa haweeney xushmad badan

Haweeneyda qiimaha iyo sharafta leh waa mid xushmad badan; waxay xushmeysaa ninkeeda iyo dadka kale, waxay leedahay xushmad iyo jacayl waana mid ay dabeecad u leedahay mar walba.

Haweeney Sharaf iyo qiimo leh ma noqon karto mid dhan kasta aanan cillad ka lahayn balse waa mid layaab leh sababtuna waa wanageeda.

Related Articles

Back to top button