7 Arimood Oo Fure U Ah Hanashada Qalbiga Ninkaaga - Aayaha

7 Arimood Oo Fure U Ah Hanashada Qalbiga Ninkaaga

Dumar badan ayaan aqoon u lahayn sida ragga loogu muujiyo jaceyl iyo rabitaan taasoo keenta in isaguna uu jaceyl kuu qaado.

Si kastaba, xaqiiqdu waxay tahay in haweeneyda kalgaceylka leh ee ninkeeda daryeesho ay mar kasta boos weyn ku yeelan doonto qalbigiisa.

1. Dhageyso oo si dhow ula soco sida uu dareemayo. Raggu waxay dareemaan in la jecelyahay oo la rabo markii la dhageysto.

Inaad si wanaagsan u dhageysato waa mid kamid ah qaababka ugu fiican ee lagu tuso inaad jeceshahay.


2. Ka dhig isaga mudnaanta koowaad ee noloshaada. Wuxuu rabaa inaad qiimeyso isla markaana dareensiiso inuu muhiim yahay; haddii aad ku guuleysan kartid arintaan kadib waxaad run ahaantii tustay inaad jeceshahay.

3. Si dhow ula soco. Dumar badan ayaanan ogeyn in ragga ay sidoo kale jecelyihiin in dareen ahaan si dhow loola socdo

4. Mar kasta naftaada haka fekerin; fiiri baahiyaha ninkaaga. Markaad ka fekerto baahiyaha ninkaaga, waxaad run ahaantii hanatay isla markaana boos weyn ku yeelatay qalbigiisa.

5. Faani ama amaan, dareensii inuu qurxanyahay adigoo sidoo kale bogaadinaya marka uu isqurxiyo ama labisto. Ammaantu waxay dareensiineysaa ninkaaga in la rabo oo uu qiimo leeyahay.

6. U mahadceli, adigoo sidoo kale uga mahadcelinaya shaqadiisa iyo wax kasta uu kuu sameeyo. U mahacelinta ninkaaga waa mid kamid ah hababka ugu wanaagsan ee aad jaceyl ugu muujin karto.

7. Ma jiraan wax ka qiimo badan “Waanku jeclahay” oo ay haweeney daacad ah ku dhahdo ninkeeda si ay uga farxiso. Qorsheey maalmo aad soo hawo badalataan adinkoo isku raacaya meelaha loo damaashaad iyo dalxiis tago. Sidoo kale u sameey waxyaabaha uu xiiseeyo ama uu jecelyahay isagoo aanan fileyn.

Ahaanshaha haweeney kalgaceyl leh ayaa ah qaabka ugu wanaagsan ee ninkaaga lagu tuso inaad jeceshahay.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button