Gabaryahay haddii uu ninku leeyahay Sifooyinkaan ka carar, yuusan waqtiga kaa lumin

0

Haddii aad xiriir la leedahay nin leh sifooyinkaan hoos ku qoran, waxaad u baahantahay inaad hadda iska tuurtid maxaa yeelay waa waqti lumis.

1. Ninkaaga kama fakero farxaddaada, waxa uu ka welwelaa farxaddiisa oo kaliya.

2. La hadalkaaga waxa uu u arkaa caajis iyo dhibsasho, kama helo inuu kula sheekeysto waxa uuna door bidaa inuu kaa fogaado.

3. Saaxiibkaa waxa uu bannaanka soo dhigaa qaab daradaada inta uu soo bandhigi lahaa wanagaaga oo uu qof wanaagsan kaa dhigi lahaa kuumana arko inaa tahay qof lagu faano.

4. Kama welwelo inuu nafta kuu huro mana doonayo inuu noqdo qof dhexda kuu xirta.

5. Saaxiibkaa wuuka maseeraa guushaada uma arko sidi inay tahay guushiisa oo kale.

6. Ninka waa uu kaa qariyaa saaxiibadiis iyo qoyskiisa mana doonayo inaad la kulantid.

7. Saaxiibkaa marnaba kuuma wanaagsana mana doonayo inuu isku dayo inuu qof wanaagsan kuu noqdo.

8. Saaxiibkaa kama welwelo noloshaada xittaa kama welwelo inuu su’aalo kaa weeydiiyo noloshaada.

9. Ninka kuulama dhaqmo sidii inaa tahay mudnaantiisa koowaad.

10. Ninka kuuma heelano marka aad u baahantahay.

11. Ma hubtid inuu ku jecelyahay iyo inkale.

12. Ninka maskax ahaan kuuma sameeyo qorshe ku aadan mustaqbalkaaga.

13. Ninka xiriirka aad laleedahay kuma dareensiiyo kalsooni.

14. Ninka ma joojiyo raadinta naago kale.

15. Ninka kuma dareensiiyo inaa tahay gabar qurux badan sababtoo ah nin walba waa kan ku faana xaaskiisa ama saaxiibtiis haddii ay foolxuntahay xittaa.

Ma leedahay saaxiib ama nin noocaan ah?