Ragga Oo Aad U Koolkooliyo Haweenka U Sameeyo Waxyaabahan

0

Waxan halkaan idinkugu soo koobnay 5 waxyaabood oo intabadan ragga ay ka rabaan haweenka.

Haweeney taageero leh

Ragga waxay lamaanayaashooda ka filayaan inay noqdaan kuwo taageero. Wax walbo inaad ku dhaleeceysid oo aad ku durtid ninkaaga waxay keeneysa inuu kaa tago.

Qorshe walbo oo aad dooneysid in ninkaaga uu sameeyo deganaan ugu sheeg.

Haweeney kalgacayl leh

Ragga waxay u dhaqmaan sidii carurta waxayna rabaan in la jeclaado. Marka uu ninku jecelyahay haweeney wuxuu doonayaa in kalgacaylka la isdhaafsado oo isna aad jeclaatid.

Ninkaaga sii dareen walba sababtoo ah waa waxa uu kaa filayo.

Kalsooni

Nin kasta waxa uu rabaa naag aamini karta xittaa kan qiyaanoolaha ah wuxuu rabaa in xaaskiisa ay aaminto. Ninka waxa uu aaminsanyahay inuu leeyahay haweeney uu aamini karo o aanan qiyaaneyn, marka hadii aad rabtid inaad ilaalisid ninkaaga noqo boqorad fur furan oo ka keenso inuu ku aamino.

Naag aan qeylo badneyn

Ninkaaga wuu ku farxayaa haddii aadan qeylo badneyn wuu ogyahay in qeylada ay qeyb ka tahay waxa ay haweeneyda sameyso balse waxa uu rabaa inaad yareyso.

Ma jiraan wax ninku ka necebyahay haweeney qeylo badan.

Soo jiidasho leh

Ninka wuu jecelyahay quruxda xaaskiisa marka waxaad u baahantahay inaadan noqon qof liita. Iska hubi inaad had iyo jeer qurxanaatid, ninka waxa uu xaaskiisa ka filayaa inay soo jiidasho yeelato waqti kasta, waxa uuna doonayaa inuu ogaado in xaaskiisa ay qiimeyso muuqaalkeeda/quruxdeeda.