Shantan Waxyaabood Haku Dhihin Ninkaaga Hadaad Rabtid In Guurkaaga Uusan Burburin

Shabakadda Arrimaha Bulshada ee Aayaha Online, waxay idiin soo gudbineysaa 5 waxyaabood oo loo baahanyahay inaad iska ilaalisid si guurkaaga aad u ilaalisid.

  1. “Haddii aadan I jecleyn hadda sheeg”

Xaqiiqda aya ah in dhaqan xumadiisa ama uusan ku siineyn waxaad uga baahneyd micnaheeda ma ahan inuusan ku daneyney ama uusan ku rabin.

Waxay noqon kartaa inay jiraan dhibaatooyin kale uu isku dayayo inuu xakameyo isagoo aanan dooneyn inaad ku lug yeelatid marka ka jooji waxyaabaha aanan wanaagsaneyn oo adigaba aadan dooneyn in dhagahaaga ay kusoo dhacaan.

  1. “Sameey waxaad doontid waxba igama galin”

Marka ay haweeney sidaan tiraahdo micno adag ayay leedahay, si kastaba, inaad inaad waqti walba ku dhahdid lamaankaaga sidaan waxay ka dhaadhicineysaa inaadan jecleyn marka ka jooji.

Run ahaantii haddii uu sameeyo wuxuu doono, waxay noqon kartaa gaba gabada gurigaas.


  1. “Inaan kaa tago Ayaan rabaa”

Ka taxadar waxaad rajeyneysid, ereyada ay carada kaa keento waala iska raali galin karaa hal mar, balse inaad mar walba ku celcelisid inaadan rabin xiriirkaas waxay sababi kartaa in lamaankaaga uu kaa quusta marka dambana ku dhaho bax.

Ha ooynin marka taasi dhacdo haddii kale ka fiirso.

  1. “Waanka shalaayay la kulankaaga”

Hadalkaan waa dhaawac aad halis u ah, waana arrin aad xun inaa tiraahdid.

Inaad mar walba oo fursad ku heshid lamaankaaga ku tiraahdid hadalkaan waxay keeneysaa inuu ku naco isla markaana uu aado gabar kale oo aanan ka shalaayneyn helitaankiisa kuna farxsan, adigana waxay laga yaabaa inay kugu reebto shalaay muddo dheer ah.

  1. Dhaqanka aamusnaanta

Waa tan ugu daran oo kamid ah waxyaabaha aan kor kusoo xusnay.

Ma wanaagsana inaad ka aamustid lamaankaaga adigoo cuqdad qaba qaladna sheegayana, ha sameyn sidaan.

Inaad kula dhaqantid aamusnaan waxay keeneysaa xanuun iyo in burburka uusii socdo, marka haka aamusnaan lamaankaaga oo u sheeg cilada si xiriirka uu u ahaado mid caafimaad qaba oo wanaagsan isla markaana guurka u burburin.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button