XIRIIRKA IYO GUURKA

UGAAR AH RAGGA: 8 Nooc Oo Kamid Ah Saaxiibada Iska Ilaali Haddii kale Guurkaaga Ayaa Burburaya

Shabakadda Arrimaha Bulshada ee Aayaha Online, ayaa waxa ay maanta idiin soo gudbineysaa 8 nooc oo kamid ah saaxiibada oo aad ninyohoow u baahantahay inaad iska ilaalisid.

  1. Ninka aaminsan in xaaskaaga aysan kugu habooneyn

Haddii ay gabadhaada kugu filantahay isla markaana kugu haboontahay, waa ay wanaagsantahay way kugu filantahay, haddii aad leedahay saaxiib kugu dhiba oo kuu sheega inaysan kugu habooneyn ama aysan kugu filneyn, ka taxadar haddii aadan saaxiibkaas iska qaban maalin uun ayaa lagugu qasbayaa inaysan xaaskaaga kugu filneyn, haddii ay xittaa wax walbo kaaga wanaagsantahay.

Saaxiibka aanan fahmi Karin in labadiina aad isjeceshihiin isla markaana isqiimeysiin ma ahan saaxiib.

  1. Kan talada xun

Qaar kamid ah saaxiibada way talo xunyihiin, marka waxaad leedahay saaxiibo waadna ogtahay kan talada xun waxba dareen ah ha siinin kaas haddii kale xiriirkiina waa uu bur burayaa adiga iyo xaaskaaga.

  1. Kan inaad qiyaanto kugu dhiiri galiya

Haddii aad heysatid xiriir wanaagsan, sabab aad u qiyaaneysaa xaaskaaga? Saaxiib walba oo kugu dhiiri galiya qiyaano ma ahan saaxiib kana fogoow haddii kale gurigaaga ayaa bur buraya.

  1. Nooca naagaha badan kugu dhiiri galiya

Waxaa jira rag badan o oleh dabeecad ah naago badan, sidoo kale waxay rabaan saaxiibo kale oo ku biira, haddii aad heysatid xaas wanaagsan oo nolshaada ku filan, isla markaana saaxiibadaa ay haween kale kugu dhiiri galinayaan, ka taxadar kuwaas haddii kale waddo xun ay kuu horseedayaan.

  1. Kan dhaqanka xun

Kan jecel aalkoolada oo nacaska ah, kan jecel goobaha tumashada ee lagu caweeyo sida inay noloshiisa ku xirantahay, kan maandooriyaha isticmaala isla markaana leh dabeecado kale oo aan u wanaagsaneyn caafimaadka xiriirka waa saaxiibada aad u baahantahay inaad ka fogaatid, iyaga howshaas ha sameeyaan adigana taada qabso, haddii kale dhibaatooyin aanan xisaab lahayn ayaa idin soo wajahaya adiga iyo xaaskaaga xiriirkana wuu burburyaa.

  1. Kan raba waqtigaaga dhan

Waxaa jira qaar kamid ah saaxiibada oo doonaya waqtigaaga, xittaa haddii ay ogyihiin inaad xaas leedahay, tani waxay kala fogeyneysaa adiga iyo xaaskaaga, haweenka waa necebyihiin saaxiibada noocaas ah sida maskaxeysan kugula dagaalama.

  1. Kan aanan qiimeyn masuuliyadda

Saaxiibada aanan qiimeyn masuuliyadda iyo xuduuddda; waxba kama galin haddii aad xaasle tahay ama gabr saaxiib ah aad leedahay.

Saaxiibada noocaan ah dhibaato ayay idin kala dhex dhigayaan adiga iyo lamaanataada.

  1. Nooca aanan xushmeyn xaaskaaga

Haddii uusan saaxiibkaa xushmeyn xaaskaaga dunida dabadeed adigana kuma xushmeeyo sidoo kale xittaa haddii uusan jecleyn gabadha aad guursatay, taasi waa ineysan keenin inuu xushmad dareeyo, saaxiibada noocaan ah iska fogeey.

Saaxiibada waa muhiim, balse sidoo kale waxay dhaawacayaan xiriirkaaga haddii aadan taxadarin.

Related Articles

Back to top button