UGAAR AH DUMARKA: 5 Sifo Oo Lagu Garto Ninka Mustaqbalka kaa rabo

Had iyo jeer haweenka waxay ku riyoodaan sidii mustaqbal ay u dhisan lahaayeen oo ay hooyo u noqon lahaayeen ama caruur ay u dhali lahaayeen.

Shabakada Aayaha, waxay idiin soo gudbineysaa 5 tilmaamood oo aad ku garan karto ninka ku guursan rabo ama mustaqbalka ah.

Wadatashi.

Markii uu nin kaala hadlo inaad si wadajir ah ama lamaane ah aad wax usameysaan waa tilmaan muujineysa inuu kuu arko qofka mustaqbalka uu la wadaagayo ama inaad xaaskiisa noqo, taasina waxay tilmaan wanaagsan oo kuu muujineysa in maalmihii qurxoonaa ay soo socdaan waana tilmaan qurux badan.

Waqti ayuu kula qaataa

Waa wax wanaagsan marka uu ninka saaxiibkaa ah waqti kusiiyo waxana kasii wanaagsan marka uu howsha kula qabto isla markaana waqti kula qaato.

Wuukula joogaa xittaa markii ay xaaladda kugu adagtahay

Haddii uu ninka uu kuu dhow yahay marka ay xaaladda kugu adagtahay waa hubaal waa tilmaan muujineysa inaad wax walba uga qiima badantahay marka waa iska caadi in la isla joogo marka ay xaaladda caadi tahay balse xilliyada ay xaaladda adagtahay ninkii ku garab istaaga ee aan kaa dheeraan waxay micneheeda tahay in labadiinaba aad dhib walba kasoo gudbeysaan waana tallaabo wax walba ka qiimo badan.

Si wadajir ah ayaad wax u iibsataan

Haddii ay noqon lahayd adeeg dhar ama guri cusub inaad si wadajir ah wax u iibsataan oo aad wadaagtaan mas’uuliyad micnaheeda waxa uu yahay in xiriirkiina uu noqon doono mid waara ood waaya badan oo qurux badan aad isla qaadan doontaan.

Waxaad kamid tahay qoyskiisa

Haddii xiriirkaaga uu gaaro heerkaas oo aad kasoo muuqato marka ay qoyskiisa isku imaanayaan ama aad hooyadiis iyo aabihiis iyo walaalihiis aad la kulantid waxaad kamid tahay qoyskiisa oo xiriirkiina wax walbo wuuka soo gudbay.

Related Articles

Back to top button