Ben Kitili Iyo Aamina Oo Kala Tagay Laba Sano Kadib

Wariyaha telefishinka KTN Ben Kitili iyo xaaskiisa Soomaalida ah ee Aamina Mude ayaa kala tagay laba sano kadib.

Aamina oo qoraal soo dhigtay barteeda Instagram ayaa ku shaacisay kala taga iyada iyo ninkeeda waxayna tilmaamtay inay ku faraxsantahay xasuusyihii wanaagsanaa ay soo wadaageen waqtigii ay isqabeen. Waxay intaas ku dartay inaysan ogeyn siduu mustaqbalku noqon doono.

Aamina ayaa sidoo kale tirtirtay sawiradii uu lahaa Ben Kitili eek u jiray barteeda Instagram-ka.

Aamina, ayaa sheegtay inaysan jirin wax xumaana oo u dhexeysa lyada iyo ninkeeda ay kala tageen isla markaana ay diiradda saarayaan korinta labada canug ee ay isku dhaleen.

Waxay sheegtay Aamina in iyada iyo Ben Kitili ay kala tageen bil kahor balse ay iminka uun go’aansatay inay shaaciso.

Ben ayaa heysta diinta Masiixiga halka Aamina ay heysato diinta Islaamka iyadoo dhaleeceyn ba’an la kulantay markii ay guursatay Ben oo aanan Islaam ahayn.

Ben Kitili ayaanan dhankiisa ka hadlin kala tagga isaga iyo xaaskiisa Aamina oo ay iyadu iminka shaacisay.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button