XIRIIRKA IYO GUURKA

Noocyada Ragga Noqdo Niman Wanaagsan Ee Haweenku Raadiyaan

Waxaa la rumeysanyahay in dabeecadda shaqsiyadeed ee ninka loo istcimaali karo tusmo si loo ogaado in ninka uu noqon doono seey wanaagsan iyo inkale.

Hoos ka akhriso 5 nooc oo ragga kamid ah oo loo gartay inay niman wanaagsan noqdaan.

  1. Ragga iskudaya inay naftooda wanaajiyaan

Ragga noocaan ah waa kuwa isku daya inay naftooda wanaajiyaan maalin kasta. Waxaa la sheegay in ragaas ay isku dayaan inay noqdaan kuwo ku wanaagsan guurarkooda iyo guud ahaan nolosha.

Waxay wax ka bartaan qaladaadkooda iyagoo had iyo jeer isku daya inay dad wanaagsan noqdaan.

  1. Ragga fahamsan waxa go’aanku yahay

Nin kasta ma ahan mid yaqaana sida dhexda loogu xirto guurka balse kan sameeya sidaas ayay haweenka u gartaan inuu noqdo seey wanaagsan.

Ragga noocaas ah sidoo kale waxay u heellan yihiin inay ka guul gaaraan himilooyinkooda nololeed iyo shaqadooda.

  1. Ragga shucuur ahaan furan

In dareen ahaan aad noqoto qof furfuran waxay ka dhigantahay inaad si furfuran aad dareenkaada ugala hadli karto haweeneydaada ee maahan inaad daciif ama qof liita tahay.

Ragga noocaas ma qariyaan shucuurtooda si loogu arko inay yihiin ragga awood leh.

  1. Ragga tageerada ama garabka leh

Haweenka waxay aaminsanyihiin in ragga rajada geliya waqtiyada adag isla markaana garab istaaga inay noqdaan Niman wanaagsan.

  1. Ragga wax la tashada

Ninka wax la tashada waa kan arrimaha jira la wadaaga xaaskiisa. Wuxuu aaminsanyahay in jahwareerka nolosha, caqabadaha maskaxeed iyo culeysyada dhaqaale ay dhammaantood yihiin arrimo la wadaago.

Culeys kasta isaga iyo xaaskiisa ayaa si koox ah u wajaha.

Related Articles

Back to top button