3 Sababood Oo Gabadha Ay Iskaga Ilaalisay Inay Ku Jeclaato

0

Jacaylku waa sheey qurux badan, iyadoo haweeney ay jecllaan lahayd inay ku jeclaato balse waxaa jiraan waxyaabo u diidaya inay ku jeclaato

Waa kuwaan 3 sabab oo macquul ah oo ay iskaga ilaaliso inay ku jeclaato.

  1. Waxay aaminsantahay in ragga oo dhan ay isku mid yihiin

Waxaa hubaal ah in rag ay horey usoo dhaawaceen laba jeer ama saddex jeer. Maadaama sidaas ay rag kala duwan usoo niyad jabiyeen, waxay bilaawday inay aaminto in dhammaan ragga oo dhan ay isku mid yihiin isla markaana sidii hore oo kale loo dhaawacayo.

Haddii haweeney ay mar iska dhaadhiciso in ragga oo dhan ay isku mid yihiin, way adagtahay in jacayl ay qaado.

  1. Waxay u maleysaa inaysan kugu habbooneyn ama way iskala kaa heer sareysaa

Haween badan ayaa qaba cilladaan. Waxay aaminsanyihiin inaadan u qalmin inay ku jeclaadaan ama aad ka heer sareeyso.

Cilladaas waxaa sababa kalsooni la’aan iyo kalsoonidooda oo hoos u dhacday. Sidoo kale waxay isku arki kartaa qof cajiib ah oo aanan u qalmin nin noocaada oo kale ah.

  1. Masuuliyad kasoo bixid la’aan/dayacaad

Haweeney doob ama kali ahayd sanad iyo kabadab waxay ka baqan kartaa inay xiriir kula yeelato maadaama ay ka baqeyso inay masuuliyadda kasoo bixi weyso.

Waxay u baratay xurnimo iyo inaysan ka fekerin dad kale. Sababtaan darteed inay aqbasho inay xiriir kula yeelato way ka cabsan kartaa sababtoo ah waxay ka baqeysaa inay kasoo bixi weyso isla markaana uu dhaawac kusoo gaaro. Way dhacdaa sababtoo ah waxay u baratay inay nafteeda kaliya ka fekerto.