XIRIIRKA IYO GUURKA

3 Siyaabood Oo Qiimo Aad Ugu Yeeli Karto Ninkaaga

Marka laga soo tago raaxada iyo cunto karinta, halkaan waxaad uga boganeysa sida aad qiimo ugu kordhin kartid nolosha ninkaaga.

Hoos ka aqriso.

  1. Ixtiraam

Raggau waxay rabaan in la ixtiraamo iyadoo haweenkana ay rabaan in la jeclaado oo sidoo kale ixtiraam loo muujiyo. Sida ugu fudud ee ay haweeney kasta qiimo ugu dari karto nolosha seygeeda ayaa ah inay ixtiraamto isla markaana ka ilaaliso wixii dhibaya.

Sidoo kale cod dheer hakula hadlin seygaaga, ixtiraamku wuxuu sare u qaadaa kalsoonida ninkaaga.

  1. Ka caawinta inuu abuuro xal aanan ahayn dhibaato

Ha noqon nooca haweenka had iyo jeer ula taga dhibaatooyin raggooda oo aanan marnaba xal keenin. Ragga badankood kama hadlaan dhibaatooyinkooda sidaa darteed ha u qaadan inuusan waxba heyn.

Si kastaba, haddii aad qabto wax khuseeya dhaqaalaha waxaad u baahantahay inaad sameyso miisaaniyad. Isku day inaadan mar kasta ka filan inuu isaga xal keeno.

  1. Noqo qof ku wanaagsan waxa uusan ku wanaagsaneyn

Haddii uusan ku wanaagsaneyn dhanka lacagta waxaad u baahantahay inaad noqoto maamulka, haddii uusan ku wanaagsaneyn cunitaanka cuntooyinka caafimaadka leh kadib waxaad ku caawin kartaa dhankaas.

Gabi ahaanba ujeedada ayaa ah in xiriirka uu ku macaanyahay in labada lamaane ay iscaawiyaan.

Ugu dambeyn, waa inaad maalgishataa nin kuu abaal guda. Ha aadin hana u sameyn waxyaabahan nin aanan ku ixtiraami doonin

Waxaad wax u dhisi kartaa qof og abaalkaada ee waxba uma sameyn kartid abaal laawe.

Related Articles

Back to top button