XIRIIRKA IYO GUURKA

5 Qaab Oo Cajiib Ah Oo Ninka Aad Jeceshahay Loogu Sheegto Jacaylkaaga

Qaar kamid ah ragga wey ka indha la’yihiin wax kasta marka laga reebo ciyaaraha kubadda cagta, mobilladii u dambeeyay  iyo waxyaabaha markaas socda ee casriga ah weyna adagtahay inuu xittaa daqiiqad indhaha kusiiyo.

Ma fududa balse waa kuwaan 5 qaab oo fudud oo looga guuleysto.

Toos ugu sheeg

Mararka qaar, waa inaad indhaha ka galisaa ood runta u sheegtaa inaad jeceshahay haddii ay waqti dheer ku qaadato inuu ku fahmo, ha ogaado sida aad dareemeysid.

Marka si kalsooni ku dheehantahay u hor istaag una sheeg yuusan waxba waqti kaa dhammaan.

La xiiseey waxa uu daneeyo

Tani waa qaabka ugu fudud ee aad dareenkiisa kusoo jeedin karto inaad la xiiseysid waxyaabaha uu xiiseeyo waxaa suurtagal ah inuu xiiseeyo kahadalka baraha bulhsda si fudud waadkula biiri kartaa wada sheekeysiga kadib wuxuu u arki doonaa inuu ku haboontahay taas ayaana kufilan ninka wax fahmi og.

Ammaan muuqaalkiisa

Ragga sidoo kale wey jecelyihiin marka ay haweenka ammaanaan muuqaalkooda, ka faa’ideyso  una sheeg sida uu uqurux badanyahay maalin kasta, wuxuu isna ka hadli muuqaalkaaga iyo qaabkaaga isagoona billaabi doona inuu dareensiiyo shaqsiyaddaada  haddii ay jirto fursad aad cabitaan kuwa cabi kartaan shaqada kadib.

Isticmaal luuqadda jirka (Body Language)

Hakaa dareemo inta aad jeceshahay ,ragga had iyo jeer waxay muuqaalkaaga ama qofka jirkiisa ka gartaan xaaladda uu markaas kusuganyahay marka loo eego af kahadalka.

Dhoolla Caddeyn badan

Dhoollacadeynta mar kasta waa tilmaam farxadeed, dadka waxay jecelyihiin inay u dhowaadaan dadka qaba dareenka jilicsan ama farxadda saaxiibka u ah, marka farxad u muuji oo waxbadan u dhoollacadeey.

Related Articles

Back to top button