4 Talo Oo Kaa Caawinaya Inaad Doorato Xaas Kugu Haboon Oo Noloshaada Farxad Siin Doonta

Nin ahaan waxaad leedahay laba ikhtiyaar oo kala ah inaad guursato iyo inaadan guursan. Haddii aad rajeyneyso inaad guursato kadib waxaa halkaan ka heleysaa talooyin muhiim ah oo kaa caawinaya inaad doorato xaas ku siin doonto nolol farxad leh.

  1. Waa inay noqotaa xaas ahmiyad siisa qoyska

Xaaskaaga waa inay ogtahay muhiimadda uu qoysku leeyahay isla markaana ay ka dhigtee mudnaanta koowaad sababtoo ah waxay noqoneysaa hooyada caruurtaada iyo ilaaliyaha gurigaaga.


Tan micnaheeda maahan inaysan diiradda saarin shaqadeeda balse ay ogaataa in oqysku uu aad muhiim u yahay.

  1. Waa inay furriinka ka fekertaa isla markaana ay u aragtaa mid aanan xal ahayn

Si guurka aad uga dhigto mid shaqeeya, labadiinaba waa inaad furriinka u aragtaan mid aanan xal ahayn.

Ha guursan haweeney kaa dhigtay midaad aad u jeceshahay balse wax yar kadib maxkamad kula tiigsan doonta iyadoo dalbaneysa furriin si hantidaada loo kala qeybiyo.

Waxay kugu noqon doontaa waqti dambe inaad hesho bedelkeeda.

  1. Waa inay aamin noqotaa

Haweeney aad u dooraneyso inaad nolosha la wadaagto waa inay aamin noqotaa. Waxay noqoneysaa tan cuntada kuu karineysa isla mar ahaantaana  caruurtaada heyneysa.

In intee la eg ayaad ku aamini kartaa noloshaada iyo caruurtaada? Haddii aadan ku kalsooneyn, ha guursan haddii kale waxay kuu keeni doontaa niyad jab kaliya.

  1. Waa inay dareen ahaan furnaataa

Haweeney shucuur ahaan furan way fududahay in wax laga qabto. Way waalataa, way murugootaa iyadoo og sida waxyaabahaas dhan laguugu muujiyo adiga.

Waxay kuu sheegi kartaa sida ay kuu jeceshahay iyo wixii lamid ah. Haddii aysan si furan kuula wadaagi Karin dareenkeeda adiga kadib xiriir sokeeye lama yeelan kartid.

Aayaha.net

Waad ku mahadsantahay akhrinta maqaalkeyga! Waxaad qayb libaax ka qaadatay guushayda qoraa ahaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button