Calaamadaha Lagu Garto In Ninka Uu Noqon Doono Mid Ku Fiican Kulanka Sariirta

Dadku ma rabaan inay qirtaan balse kulanka sariirta waa mid muhiim u ah xiriir kasta. Kahor intaadan xittaa kulan labaad oo haasaawe ah aadan la yeelan ninka waxaad la yaabeysaa oo aad isweydiineysaa haddii ninka uu noqon doono mid ku wanaagsan sariirta. Waana la ogyahay taas, qofna ma rabo galmo xun.
Si aad u ogaato haddii ninka aad arkeyso ama aad la socto uu noqon doono mid ku wanaagsan sariirta, hoos ka akhriso waxyaabaha laga eego oo isha lagu haayo.
Jir ahaan waa mid wanaagsan
Hagaag, kulanka sariirta waa dhaqdhaqaaq jirka ah oo u baahan xoogaa adkeysi ah. Haddii uu yahay ninka mid aanan jir ahaan wanaagsaneyn, kulanka sariirta wuxuu ku dhammaan karaa caajis.
Sidoo kale lama dhihi karo dhammaan ragga jir dhismeedkoodu wanaagsanyahay waxay ku wanaagsanyihiin sariirta. Waxaa macquul ah inaad aragto nin maalin kasta jir dhis sameeya bals wali aanan lahayn awood dhanka galmada ah.
Ma deg dego
Qaabka ninka uu u dhaqmo guud ahaan ayaa ka garan kartaa waxa uu ku yahay sariirta. Haddii uu yahay nin waqtigiisa qaata waa astaan wanaagsan.
Ma rabtid nin aanan waqti u heynin raaxada ka horeysa kulanka weyn.
Haweenka badankood waa kuwo jecel ragga kulanka culus kahor mariya raaxo isla markaana aanan deg deign.
Waa nin kalgacayl leh
Ma yahay nooca mar kasta kuu yimaada ama ku weydiiya sideey xaaladdaada tahay iyo inuu ogaado haddii aad qadeysay ama habeenkaaga haddii uu ahaa mid wanaagsan?
Taasi waxay muujineysaa inuu yahay nin kalgacayl leh oo isla sidaas ku sameyn kara sariirta. Ninka noocaas ah kama fekero farxaddiisa iyo qanacsanaantiisa kaliya balse wuu rabaa inuu hubiyo inaad adigana sidoo kale aad raaxeysatay.
Wuuku dhageystaa
Haddii uusan ku dhageysan Karin markaad hadleyso ama aad wax ka doodeyso, waxay u badantahay inuusan kugu dhageysan doonin sariirta.
Lamaanaha si wanaagsan wax u dhageysta waa mid muhiimad siin doona waxaad dhahdo inta lagu guda jiro kulanka sariirta sababtoo ah wuu ogyahay inay muhiim tahay.
Haddii aad tiraahdo ‘ha joojin’, wuu ogyahay inay taas dhab kaa tahay.