XIRIIRKA IYO GUURKA

Waxyaabaha Qofna Uusan Kuu Sheegin Ee Ku Saabsan Kulanka Sariirta Dhalmada Kadib

Waxay kuu sheegi doonaan farxadda ay leedahay inaad dhasho cung ama inaad nolol cusub kusoo biiriso dunidaan. Sidaad ugu dhibtoon doonto naasnuujinta iyo sida canuga yar uu u ooyn doono habeenada oo dhan. Dhammaan waxyaabahan waa run.

Blasé ma jiro qof raba inuu kuu sheego wax ku saabsan galmada dhalmada kadib. Hagaag, waxyaabaha qaar ma wanaagsana waana sababtaas waxay dadka iskaga ilaalinayaan inay uga hadlaan. Balse waxaad mudantahay inaad ogaato waxa la fisho.

Ugu yaraan qaabkaas waad ogaaneysaa sida loogu diyaar garoobo. Sax?

Runta ayaa ah, noloshaada raaxada way isbedeleysaa wax xoogaa waxayna u badantahay inaad la kulanto isbedelladaan.

  1. Rabitaankaaga galmo wuu yaraanayaa

Ha walwalin, tani kuma dhacdo haweeney kasta balse waxay ku dhacdaa haweenka qaarkood, rabitaankooda galmo ayaa hoos u dhacaya.

Isbedellada hormoonada ayaa saameyn ku yeelanaya galmada balse waa inuu caadi kusoo noqdaa waqti kadib.

  1. Waxaad ubaahan kartaa galmo badan

Ha isla yaabin haddii aad aragto adigoo raba galmo kabadan sidii hore. Waa caadi walina waxaad tahay sidii aad ahayd.

Kaliya dhalmada canuga ayaa la timaada xoogaa isbedello ah oo lagama maarmaan ah.

  1. Kulanka sariirta uma geli doontid sidii hore

Xaqiiqdii, waa inaad jadwal u sameysataa kulanka sariirta. Ilmuhu waa baahi badanyihiin sidaa darteed waqtiga ugu badan iyagaa ku bixin doontaa ilaalintooda, caano siintooda iyo seexintooda.

Waxaa intaas dheer in mararka qaar aad si daran u daali doonto iyadoo ay adkaan doonto inaad xittaa ka fekerto galmo.

  1. Xubintaada taranka oo suurtagal ay tahay inay aad u yaraato

Tani waxay kasoo horjeeda aragtida dadka ay aaminsanyihiin ee ah in xubinta taranka ay weynaaneyso kadib dhalmada. Taasi ma ahan mid qof kasta ku dhacdo.

Haweenka qaarkood aad ayay u yaarataa xubintooda taranka dhalmada kadib.

Related Articles

Back to top button