Home XIRIIRKA IYO GUURKA 4 Calaamadood Oo Muujinaya Inaad Heshay Gabadhaad Guursan Lahayd

4 Calaamadood Oo Muujinaya Inaad Heshay Gabadhaad Guursan Lahayd

0

Naagta aad guursaneysid waa inay noloshaada kobcisaa iyadoo adiga kaa farxineysa kuguna dhiirrigelineysa inaad ka guul gaartid yoolalkaaga.

Waa kuwaan 5 astmaadood oo aad ku arkeysid gabadha ay tahay inaad guursatid.

  1. Way kaa farxisaa

Farxadda ama nabadda waa aasaaska xiriir kasta oo jacayl ama guur. Haddii aad aragto haweeneyda aad xiriirka leedihiin oo kaa dhoolla cadeysiineysa kadib waa inaadan ka cabsan inaad guursato.

  1. Runtii waxaad dooneysaa inaad la joogto

Waxay ku siisaa dareen qotto dheer oo aad mar kasta rabto inaad la joogto. La joogitaankeeda marnaba kama weynaatid iyadoo mar kasta aad rajeyso inay ku dhinac joogto.

  1. Waxay kugu taageertaa riyooyinkaaga

Ma ahan haweeney isticmaasha lacagtaada iyadoo aanan ka fekerin mustaqbalkaaga. Haddii ay kugu taageerto riyooyinkaaga isla markaana ay dadaal ku bixiso inaad ka guul gaartid kadib waa gabar kugu fiican.

  1. Waxaad u sheegi kartaa wax kasta

Ma jiraan waxyaabo aad dareento inaad ka qariso ama aad ka cabsato inaad u sheegto. Markay taasi dhacdo, waxay ka dhigantahay inaad xor u tahay inaad la wadaagto wax kasta iyada.