XIRIIRKA IYO GUURKA

Haddii Ninka Aad La Socto Uu Leeyahay Saddexdaan Sifood Waa Nin Qiimo Leh

Sideed u kala soocataa ragga? Maxay yihiin qaar kamid ah waxyaabaha aad ka eegto ee aad ku aqoonsan karto ninka wanaagsan?.

Tani waa wax aad u baahantahay inaan laguu sheegin; waa inaad noqotaa qof dareemi kara inuu ninka yahay mid wanaagsan oo lala socon karo ama aad guursan karto.

Si kastaba, si aad uga dhigato mid fudud, waa kuwaan calaamadaha laga eego marka ay noqoto aqoonsashada nin wanaagsan ee aad guursan karto.

  1. Wuuku dhageystaa

Haddii saaxiibkaa uu ku dhageysto isla markaana uu kaa yeelo ama kugu raaco waxyaabo kala duwan kadib waa nin wanaagsan. Helitaanka rag dhageysta haweenkooda way adagtahay.

Waa sifo wanaagsan oo ay leeyihiin ragga wanaagsan kaliya, kuwaas oo diyaar u ah had iyo jeer inay dhageystaan haweenkooda.

  1. Wuxuu qirtaa inuu qaldanyahay marka uu qaldanyahay

Ragga oo dhan mawada qirtaan dambiyadooda mar kasta oo ay qalad sameeyaan. Sifadaas waxay gaar u tahay kaliya ragga wanaagsan, kuwaas oo ah ragga qirta dambiyadooda mar kasta oo galaan isla markaana diyaar u ah inay cafis raadiyaan.

  1. Wuxuu dadka kale kula dhaqmaa ixtiraam iyo naxariis

Ninka wanaagsan waa nooca dadka kula dhaqma ixtiraam iyo naxariis. Haddii ninkaagu uu kamid yahay kuwa dadka kula dhaqma naxariis iyo ixtiraam, waa wiil wanaagsan oo aad la aqal gali karto.

Related Articles

Back to top button